Saddex Nin Oo 36 Sanadood kaddib Xabsiga Laga Sii Daayay Iyagoo U Xidhnaa Danbi Aanay Gelin

Waxaa xabsiga laga sii daayay saddex nin oo si qalad ah u xidhnaa muddo 36 sanadood ah kaddib markii lagu eedeeyay dilka wiil 14 sano jir ahaa sanadkii oo la dilay 1983-kii, iyadoo saddexdan eedeysanana la xukumay 1984-kii.

 

Alfred Chestnut, Andrew Stewart iyo Ransom Watkins ayaa ku xirnaa xabsiga magaallada Baltimore ee gobolka Maryland ee Mareykanka, waxaana dib loo furay kiiskooda sanadkan markii Chestnut uu warqad u qoray qaybta dembiyada ka beri yeesha dadka xabsiyada ku jira, waxaana uu raaciyay caddeymo cusub.

 

Saddexdan nin ayaa la xidhay November 1983-kii kaddib dilkii DeWitt Duckett oo da’yar ahaa qoortana laga toogtay.

Dukumiintiyadii kiiska raggan ayaa waxaa xidhay garyaqaankii xukumay, iyadoo halgan dheer kaddib Chestnut ay u suuro gashay in uu gacanta ku soo dhigo dukumiintiyadii laga gudbiyay.

Waxaa haatan saddexdan nin oo xilligii la xidhay  da’yar ahaa dowladda ka codsanayaa magdhow lacageed, Kiisaska nuucan ah ee lagula kacay dadka madowga ah ayaa ku badan Mareykanka, iyadoo hadda ka hor rag 5 ahaa oo ku dhowaad 40 sano si qalad ah u xirnaa (dembi aanay  gelin) la siiyay mag dhaw gaaraya 9 milyan oo dollar.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker