RW Kheyre oo la kulmay Ergayga Xogyahaya Guud Ee QM U Qaabilsan Xuquuqda Caruurta Oo soo Gaadhay Muqdisho.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay, u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan ayaa looga hadlay sidii kooxaha argagaxisada looga hor istaagi lahaa askareynta carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalka carruuta,

Virginia Gamba oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhaweynta bogaadisay dadaallada dowladda ee dib-u-habeynta ciidanka oo qayb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda carruuta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tillaabooyinka loo qaaday xasilinta dalka, arrinaas oo horseedeysa in carruunta iyo dhammaan bulshadu ay helaan nabad waarta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker