Dagaalka dhanka Tooriyaha oo ku soo batay Magaalada Göteborg Ee Dalka Sweden

Magaalada Göteborg ayaa intii lagu guda jirey gabagabadii toddobaadkii ina dhaafay waxaa ka dhacey is midiyeeyn aan horey loo arag.

Habeennimadii ay sabtidu soo geleeysay ayaa nin nafta lagaga jarey mindi agagaarka xarunta dhexe tareemmada ee magaalada Göteborg. Thomas Fuxborg, madaxa laanta saxaafadda ee qaybta ciidanka galbeed ayaa sheegay inuu jiro is bedel la Xidhiidha isku hubeeynta mindiyaha.

 

– Waayadii hore waxaa caadi ahayd in mindiyo la qaato, hase yeeshee aan la isticmaalin. Waxaa loo soo saaran jiray in la isku cabsiiyo, hase yeeshee iminka la gaarey heer la isticmaalo mindida, sida uu sheegay Tomas Fuxborg.

 

Weli lama caddayn sababta ka dambeeysay dilkii mindida ee ugu dambeeyey, hase yeeshee waxaa ka horreeyey is af garan waa, sida laga soo sheegay labaatan jirka loo haysto inuu ka dambeeyey falkaasi.
Sidoo kale waxaa axaddii shalay magaalada Göteborg tooray dhabarka lagaga dhuftay nin goor la dhacayey.

 

Xaafadda Mölndal ayaa sidoo kale afar ruux lagu tooriyeeyay mar uu dagaal ka dhacay, halkaasina oo mid ka mid ah uu dhaawac halis ahi ku soo gaaray. Lerum ayaa sidoo kale nin lagu dhaawacay mindi isagoona miyir beeley intii cusbitalka loo sii wadey. Magaalada Vänersborg ayaa sidoo kale mindi laga isticmaaley mar uu dagaal dhex marey laba kooxood.

Magaalada Göteborg oo intii lagu guda jirey xilligii kuleeylaha ey ka dhaceen mindiyeeyn badan oo qaarkeed geeri sababtay ayaa marka lagu daro falalkii mindiyaha ee dhacay aakhirkii toddobaadkii ina dhaafey ey ku geeriyoodeen afar ruux wixii ka dambeeyay bishii luulyo.

Sida uu sheegay Thomas Fuxborg ciidanka ammaanka ayaa ku howlan sidii uu dunuubtaa uga hor dhici.

– Inta aan la gaarin gabagabada toddoobaadka waxaa warar fiican laga hayaa xaaladdu siday tahay, wixii toddobaadka intii lagu guda jirey dhacey, si aannu uga hor tagno dhacdooyinka, sida uu sheegay Thomas Fuxborg.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker