Al-Shabaab oo baahisay magaca iyo qabiilka nin isku qarxiyay Muqdisho

Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay xarunta Degmadda Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir maalintii axada ahayd.

Sida laga baahiyay warbaahinta shabaab, waxaa weerarka fuliyay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali, kaasi oo ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaan uu ka dhashay Beesha Liisaan ee Raxanweyn oo dagta gobolada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ninkaan ayaa dhawaan ku biiray guutooyinka Al-shabaab ay u diyaariyeen qaraxyadda laga fuliyo magaaladda Muqdisho, wuxuuna horey ugu tirsanaaa shabaab-ka ku sugan Gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya.

“Waxaan qoyskayga iyo dhamaan asxaabtayda aaan ku wargaliyay in aan isku qarxin doono xarunta degmada Howl-wadaag, oo ay ku suganaayeen  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaiya’, ayuu yiri C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta degmadda Howl-wadaag ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen ciidamo, iyo dhaawaca 12-ruux oo ay mas’uuliyiin ku jirto iyo caruur dhiganaysay dugsi qur’aan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker