Ganacsatadii Ma Talo Soo Jeedin ayey Sameeyeen Mise Bum Kale ayey Isugu Dhiibeen Dhinacyadii..

Ganacsatadii Ma Talo Soo Jeedin ayey Sameeyeen Mise Bum Kale ayey Isugu Dhiibeen Dhinacyadii?

Inta aynaan Guda-galin Su,aalaha ka Dhashey hadalkii Ganacsatadu Warbaahinta kula Wadaageen Guud ahaanba Bulshada Somaliland iyo dhinacyadii Khilaafka Siyaasiga ahi u dhexeeyay, Wakhti Xaadirkan, Maxaa Ku Cusub, oo ka Maqan intii dhex Wareegaysay Maalmihii lasoo dhaafey Baraha Bulshada?

Dhamaanba Nuxurka Qodobada ay akhriyeen, Ganacsatadu Waa kuwii hore loogu baahiyay baraha Bulshada, dhinac Kasta oo dan u noqonaysaba, iyaddoo ay Arinta Ku Celiyeen Xuduntii Khilaafku ka bilaabmey, ee Golaha Wakiilada Khusuusan (Sharci Dajinta) taas oo aan la garan Karin Sida ay Ku Suurtagaleyso, in Sadexda Xisbi galaan Doorashadii Madaxtooyada, Ururada Siyaasaduna la galaan Xisbiyada, Tartankii ay Xisbiyo Ku Noqon lahaayeen, qodobkaas oo Sida ay Sheegeen, ay Waafajinayaan, Go,aankii Maxkamada Sare ee Xeer 14/2011 isku sidkanaan Heer Caalami ah.

Sikasta, oo ay Tahey la jiifiyaana Banaan La Joojiyaana Banaan, hadii Xaajada Sharcigii Loo Dooney, Marka hore, Ganacsatadu ma iyagga is Xilqaamey, Mise Waalaga dalbadey inney, Go,aanka soo Bixiyaan? Halkaasi Faafaahin badan uma baahna Mar haddii ay inoo Sheegeen in ay labadii dhinacba la Wadaageen Go,aanka Kaliya Shacabku Wuxuu Isweydiinayaa odoyaasha(Ganacsatadu), Ma Talo soo jeedin ayay Keeneen Mise Bum Kale ayey Isugu Dhiibeen?.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker