Ilhaan Cumar Oo u Jawaabtay Trump iyo Taageerayaashiisa

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ayaa soo dhigtay bogeeda Twitterka Arbacadii shalay, sawirkeeda, iyadoo xiran xijaab, kuna fadhida kursiga Afhayeenka Aqalka, sawirkaa oo xambaarsanaa fariin ku soctay Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa.

 

“Waxaan ku suganahay halkii aan mudnaa ee aan lahaa, aqalkii shacabka Mareykanka. Waa inaad liqdaan” ayey ku tidhi Ilhaan Fariinteeda oo ay kaga jawaabeysay hadal uu Trump maalmahan ku celcelinayay, taageerayaashiisuna ay ku dhawaaqayeen oo ay ku lahaayeen Ilhan “ku noqo halkii aad ka timid” oo ay Soomaaliya ula jeedeen.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker