Madaxweynaha Midowga Europe Oo Markii U Horeysay Haweeney

Haweeneydaan u dhalatay dalka Jarmalka laguna magacaabo Ursula von der Leyen ayaa loo doortay madaxweynaha gudiga Midowga Yurub kadib markii xubaha gudiga ay si qarsoodi ah u codeeyeen.

 

Wasiirka difaaca Jarmalka ee oo ka tirsaneyd Xisbiga midigta dhexe ee dalka Jarmalka ayaa badali doonta kowda bisha November gudoomiyaha gudiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker.

 

Waxay heshay in ka badan kala bar codadka xubnaha baarlamanaka midowga Yurub iyadoo codeyntu ay u dhacday qaab qarsoodi ah.

 

Gudiga ay hogaamin doonto ayaa dajiya sharciyada Midowga Yurub wuxuuna leeyahay awood tallaabooyin looga qaado wadamada xubnaha ka ah hadii ay qaladaad dhacaan .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker