Aqalka Congresska Maraykanka Oo Cambaareynayo Hadalkii cunsuriyadda Lahaa Ee Madaxweyne Trump

Afar ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Hoose ee congresska Maraykanka ayaa Talaadadii shalay la codeeyey dhammaan xubnaha Dimoqraadiga, iyaga oo meel mariyey sharci cambaareynaya hadaladii, sida lagu sheegay, cunsuriyadda ku saleysnaa ee madaxweynaha Trump uu ku yiri dumar aan caddaan ahayn oo ka tirsan Congresska.

Qaraarka Aqalka Hoose oo 240 xubnood ay “Haa” u codeeyeen, 187 ay ka soo horjeedsadeen ayaa si adag u cambaareeyey hadaladda cunsuriyaddu ku jirto, hadaladaas oo sharciyeeyey, sarena u qaaday cabsida iyo naceybka loo hayo dadka Maraykanka ah ee cusub iyo dadka midabka leh.

Afhayeenka Aqalka Hoose Nancy Pelosi ayaa ugu yeedhay Aqalka inuu u midoobo, sida ay hadalka u dhigtay, cambaareynta fariimaha twitterka ee cunsuriyadda ku saleysan ee madaxweynaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker