Fanaanka Maxamed BK Oo Bandhig-faneedkii Magaalada Nairobi Oo Mar Kale Baaqday
Fanaanka Maxamed BK showgii uu Caawa (Xalay) ku qaban lahaa magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu baajiyay kadib markii ay ciidamadda Kenya ee u qaabilsan amniga ay u sheegeen in aanay masuuliyada bandhig-faneedka qaadi karayn.
Maxamed BK wuxuu go’aan ku gaadhay in showgii la hakiyo, maaddaama ciidamadii Ay sheegeen in aanay amaankiisa sugi karin.
Maxamed BK arintaas markii lagu wargaliyay waxa uu doortay inuu joojiyo showga dadkiina lacagtii loo celiyo.




