Xisbigii Waddani oo maanta noqday Mikrifoonka Heego.
Hore waynagii u ogayn in Heego Qubaar kicisay sedex tiir ah dadkii ku mashquulisay oo ahaa 1. Nabada 2. Jaalle Farmaajo 3. Ictiraaf
Waxa maanta kasoo muuqatay netka The great Mrs. Fadumo Siciid Ibrahim oonu isnidhi yaa ku yidhaah ” madame , Vous devez prendre un café au lait ou du thé avec lait.” Marwo koob coffee latte ah ama cup of good English tea with milk ayaad u baahan tahay waayo interview -gu maanta wuxuu ahaa caadifad iyo inaad ayideysay Heego oo ayaamahan leh sidii Madaxweyne Bush “ either you are with us or with the enemy “ ama anaga na raac hadii kale cadowgaad raacday falsafada caynkaas ah Marwo Fadumo way garaneysa waxa asalkii isticmaali jiray USSR ama Soviet Union waana markuu khaldamay nidaamkii hantiwadaaga ahaa salkoodna hoog noqday waayo doodii bay xidheen Madaxweyne Bush markuu isticmaalay weedhaa isna waa markay ka yaceen xulifadii reer galbeedku salkiina hoog noqday sideedii sanadood ee uu Madaxweynaha ahaana Bush qashinka lagu riday … .. Iminka in Heego la dhagaysto oo leh ama durbaanka beenta ah nala tun sacabna noogu dar wixii Danyarta anakoo boobayna ama cadow baad ku tahay Somaliland hadii taa laga yeelo Heego halaag ba u sugnaaday wadankan isaga ah .
Muwaadin in Xisbiga Waddani iyo axsaabta Mucaaridka ihi ka dhagaystaan wiilal iyo hablo yar yar oo qurbajooga oo soo doontay Dollar iyo inay wixii Danyarta bobaan wadaniyad baanu idiin yeedhineynaa its bloody shame waana nasiib daro wayn…
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ah qof siyaasada dibada mudo ku jirtay fahmaysa protocol-ka wax badan og inay maanta Jaalle Farmaajo aanay ogoyn xidhiidhka ka dhexeeya Jaalle Muuse Biixi Cabdi walaahi rumaysan mayno qoloda elite ka ah waxba uma kala qarsoona , markaa inuu ummada xisbigii Waddani Jaalle Farmaajo ku khuukhiyo oo uu ogyahay inuu yahay deadbeat President reerkaa Muruursade ee uu ka qabaa kursiga ku hayaan ceebay ku tahay Waddani inuu kaadhkaa la xoqo Heego oo uu beentaa la hirgeliyo.
Mida kale khabiir cilaqaadka khaarijiga ah sida Marwo Faadumo Siciid waa inay dadka u sheegi kartaa beenta Jaalle Farmaajo ooy odhan kartaa Cilaqaadka caalamiga ihi markay jiraan baa la jari karaa iyadoo ku daraysa Marwo Faadumo Siciid wax cilaqaada ah oo ka dhaxeeya dalweynaha Guinea Conakry iyo Somaliya ma jiraan , Guinea Conakry dal isku mashquuliya inuu cilaqaad la sameysto dalalka Bariga Afrika maha hadii laga tegi waayo Ethopia oo midi “A.U” u joogo waxay cilaqaad la leeyihiin dalalka galbeedka Afrika ee Fransiiska ku hadla waqooyiga sida Marokko iyo Masar ooy arday badani ka joogto diintana lagu baro .
Xisbiga Waddani in badan buu u sheegay dadka in ictiraafkii xisbiga Kulmiye aduunyo dhaafsaday ummada Somaliland na taa Xisbiga Waddani oon u sheegin bay ogayeen inaad tageerto Siyaarada Jaalle Muuse Biixi Cabdi maanu diidan waa political savvy inaad ku darto ayey ahayd the devil is in the details lakiin taanu diidnay waxay ahayd inaad barbar dhigto Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxay ahayd Dulmi aad dulmiday Madaxweyne Riyaale ……. Waayo waad ogtahay in Madaxweyne Riyaale dawlad Dhalitiran Beelaha Somaliland Dhisay , Sool Somaliland kusoo daray wax kastoo dawlada Somaliya ay tidhi aanu ku siino uu yidhi horta Ictiraafka isiiya si aan idiinla hadlo oo uu halkaa malayiinta la cunayo maanta ku seegay lakiin damiir nadiifa kala tagay …… Marwo Fadumooy waad ogtahay inuu dalalka Afrikaanka iyo Carabta aanu dhaqaale waydiisan jirin isagoo 65 shan iyo lixdan dal in ka badan ku lahaa saxiibada Somaliland wuxuu waydiisan jirayna ay ahayd Ictiraaf kaliya ………. Marwo Fadumooy Allah raali ha kaa noqdo ee sideed dilaliintan lacagta raadineysa ee macadanta suuq u raadinaysa iyo maxaanu iibinaa ugu dhererisaa Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Golden Era of Somaliland bilaa sicir barar iyo sarif barar .
Qolaa maanta Oodweyne ka hadleysay masuruuf loo diray lakiin waxaanu garan waynay maxaa tolka fadhiisiyey meesha madow waar dibada usoo baxa sidii qolada Cimraan iyo Jaalle Mubaarik Biidhi , Muwadin sii ogow qoladaa qaylinaysaa waa qolada is leh Macadanta Mafiyada dilaala ……..
XANAF DOORASHO MESHAMATALE MAAMUL XAARAN AHBAYALA
Ictiraaf raadinta Jaalle Muuse Biixi 2019 Oo Kooban Waa Tan Waxaana La Yidhaah ” Qoyskii Qadeeyey ” :
Intuba Waa Cida Jaalle Muuse Biix bal Jaalle Riyaale oo sidan sameeya ka warama..
1.Wasiirka Maaliyadda
2.Wasirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad
3.Wasiirka Warfaafinta Iyo Dhaqanka
4.Wasiirka Gaadiidka&Hormarinta Wadooyinka
5.Wasiir Ku Xigeenka A/Gudaha Iyo Amniga
6.Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka
7.Mareeyaha Hawada Iyo Madaarada
8.Mareyaha Kahortaga Abaraha & K/Rashinka
9.Gudoomiyaha Gobalka Gabiley
10.Gudoomiyaha Gobalka Salal
11.Gudoomiyaha Gobalka Saraar
12.Gud Ku Xigeenka Gobalka Maroodijeex
13.Safiir Ku Xigeenka Ethiopia
14.Aggasimaha Guud Ee Madaxtooyada
15.Aggasimaha Guud Ee Caafimadka
16.Aggasimaha Guud Ee Maaliyada
17.Aggasimaha Guud Maalgashiga
18.Agasimaha Guud E Shaqada & A/Bulshada
19.Aggasimaha Guud Ee Qorshaynta Qaranka
20. Agaasimaha Guud Ee Waxbarashada
21. Agaasimaha Guud Ee Bangiga Dhexe
22. Agaasimaha Guud Ee Gaadiidka/Q Liisank
23. Agasimaha Gud E Mihnahada Cafimadka
24. 20.Gud Ku Xigeenka Haayada Tayada
25. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
26. La Taliyaha Madaxweynaha Ee Amniga
27. La Taliyaha Madaxweynaha Ee Sharciga
28. La Taliyaha Madaxweynaha E Dhaqaalah
29. La Taliyaha Madaxweynaha Ee Somalia
30. Guddomiye Kuxigeenka Maxkamada Sare
31. Maayarka Caasimadda Hargeisa
32. Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qaranka
33. Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland
34. Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka
35. Taliye Ku Xigeenka Sirdoonka Qaranka
36. Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud
37. Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka
38. Chief Of Staff Ka Xafiiska Madaxweynaha
39. Gudoomiyaha Mihnadlayasha Cafimadka
40. Garyaqaanka Guud Ee Qaranka
41. Ku Xigeenka Xisaabiyaha Guue Ee Qaranka
42. Safiirka Djibouti
43. Safiirka Sweden
44. Maarreeyaha Dekadda Berbera
45. Maarreeye Ku Xiggeenka Hay’adda Tayada
46. Komishanka Qabdaraasyada Qaran Ka (2 Xubnood)
47. Konishabka Maamul Wanaagga (3 Xubnood)
48. Komishanka Aids-Ka (4 Xubnood)
49. Komishanka Tacliinta Sare.
50. Maarreeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa.
51. Maarreeyaha Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa
52. Guddoomiye Xiggeenka Gob. Gebiley
54. Guddoomiye Xiggeenka Gob. Saaxil
55. Maarreeyaha Dawan
56. Maarreeyaha Radio Hargaysa
57. Maarreeyaha Mashruuca Pfm.
58. Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maal-Gashiga




