Madaxweyne Cigaal Oo U Jawaabay Madaxweyne Biixi

Muddo haatan laga joogo dhowr todobaada ka hor ayey hadal haynteedu ku badatay bulshada dhexdeeda, jawaab uu ka bixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, suโ€™aal lagu weydiiyey eedaymo uu u jeediyey Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed X. I Cigaal (AHUN) Sannadkii 2001-dii.

Wakhtigaa waxaan halkan idinku soo gudbinayaa jawaabtii uu ka bixiyey Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, โ€œAlle ha u naxariisteeโ€ M.X.I Cigaal, oo shir-jaraaโ€™id ku qabtay xafiiskiisa Madax-tooyada, taasoo uu kaga hadlaayey xaaladda ergada dhex-dhexaadinaysa, Xukuummada iyo Kooxda salaadiinta Guriga ku jirtaโ€

M/weyne Cigaal wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:- โ€œShalay qoraalkii (Statement) aan soo saaray si fiican ayaa looga sheegay war-baahinta, wargaysโ€™yadeena, iyo BBC daba, hase-ahaatee arin yar baa la balbalaadhiyey oo si kale loo dhigay, oo laga dhigay nimakii dhex-dhexaatinta waday ama odayaasha ahaa khilaaf na dhex-maray, rayiguunbaanu ku kala baydhnay, oo isku kaaya qaban-waayey, oo iyaguna halkoodii ayey ku adkaysteen , anniguna halkaygii, laakiin wax-laf -jab ah oo aanu ku kala tagnay ma jirto.

Markaa arrinku halkiisii ayuu noo joogaa, tallo-wanaagii aanu lahaan jirnayna dib-baanu u lahaanaynaa, waanu wada-lahaanaynaa waligayo, carab iyo labadiisa-daan baa isku dhow oo waa ay isqaniinaan, ayey somalidu ku maah-maahdaa.

Mudo dheer ayaanu nimankan shir-guddoonku aanu tallo-wadaaga lahayn, oo saddexda Gole aanu talo wanaag ku lahayn, maanta uguma horeyso in rayigayagu kala maan noqdo, maanta wuu soo shaac baxay uun, oo war-baahintii uun baa gaadhay mooyaane, mar la isla aqbalo, oo rayigu meel raga uga wada muuqdo iyo mar-uu-ragba gees ugala muuqdaba, labadaba waanu lahaan jirnay, laakiin wax sida loo dhigayo kalo goโ€™ah oo ku yimid xidhiidhkii sadexda golle ka dhaxeeyey ama Gudoomada saddexda-golle ku jiray, wax kala goโ€™ah oo ku yimid ma jiro, intaas ayaan ka balan qaaday oo aan idhi.

Waxaan fadhiisanayaa gollaha wasiirada, markaa waxaan ka soo saarayaa talaabadii danbe halkii laga qaadi lahaa, sidaad ogtihiin xalay-toole rag odayaal ah oo Alle barkeeyey, oo wadaado ah iyo rag wasiiro ah, ayaa isugu tagay, markaa maantaba waxa aad moodaa, intaan anagaba nalaga dhur-sugin in arinkii waan-waantiisiiba la bilaabay.

Madax-weynuhu isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi: – โ€œAnagu shan qodob ayaanu u qornay nimanka meesha sheeganaya, shantaa qodob waxay ahaayeen.

Qodobka 1aad: In aan urur-dhaqameed wax la yidhaahdaa aanu caado u ahayn dalka kana jiri-jirin, haddana milgo u banaani aanu jirin, haddiise odayaasha Madax-dhaqameedka ahi ay yidhaahdaan, waxaan u baahanahay, urur aanu talada dalka aanu kaga dhiibano, Tallo iyo tamarba, waa laga fikiri karaa, oo abuurkiisa laga sasimaayo, laakiin 16-nin oo sida aad ogtihiin sheeganaya wakiil suldaan iyaga oo reerka ay ka socdaan aanu-sulโ€™daanba lahayn, wuxuu ku fadhiyaa meesha wax kale oo aad ogtihiiin 12-kii Sulโ€™daan ee soo jireenka ahaa- ee dalka ayaa baaq soo saaray, oo waliba ragaasi intooda badani afar iyo shan jeer ay ku abtirsadaan Sulโ€™daan Hebel, Sulโ€™daan Hebel oo arinka nimankan ka soo horjeeda oo koox-yar oo sheegato ahi ma sameyn karto urur-dhaqameed haddii ay yidhaahdaan koox baanu nahay M/dhaqameed ah oo iyagu urur-sameysanayaan anaga aqoonsi noogama baahna.

Dalka Dimuquraadiyad baa ka jirta laakiin wax-aanad ahayn ha sheegan haddii aad tidhaahdo annigaa rayigayga dhiibanayaa, cid kuu diidaysaa ma-jirto.

Laakiin, hadaad tidhaahdo cigaal-baan u hadlayaa oo rayiga cigaalbaan u bixinayaa dee xaq-uma lihid, markaas ta la isku hayaa waxay tahay, yaad u tahay Madax-dhaqameed ama Urur-dhaqameed haddii guudka la iska saaro oo layidhaahdo Madax-dhaqameed ama Urur-dhaqameed dee markaa inta ka maqan ee diidan ee waliba soo jireenka ah ma madax-dhaqameedkiibaa laga taxaabayaa.

Markaa waxa anniga rayigayga ama mabdaโ€™aygu yahay urur-dhaqameed haddii la sameynayo, waa inuu yahay mid loo wada dhan yahay, arin cusub-weeye, wax caado dalkeena u ahaan jirtay maโ€™aha, markaa wax-cusub oo abuurmaya weeye haddii uu cusub yahayna waxaa waa in loo wada dhan-yahay oo dadka magacaa lihi waa inay u wada dhan yahay, oo dadka magacaa lihi waa inay u wada dhan yihiin, 12 ka sulโ€™daan ee aan sheegay ee baaqa soo saaray waxa weheliya rag kaloo dalka dibadiisa iyo gudihiisa Faxโ€™syo iiga soo diray oo iyaguna xagaa soo jireeno ka ah oo shan nin ah oo iyaguna yidhi, hana-lagu darro liiska raga baaqa soo saaray iyaga ayaanu baaqa la qabnaaye, markaas sidaas baanu M/dhaqameedkaas u leenahay

Qodobka 2aad: Ee ay sheegeen ee ay distoorka ka soo jeediyeen ee ay yidhaahdeen farโ€™qada-saddexaad ee kooxdu u cuskatay Ururkooda waxa weeye, Qodobka ka hadlaya, in muwaadiniinta Somaliland inay xor-u yihiin inay sameystaan, urur-dhaqameed waxa weeye, waa (Culture Organization) iyagu waxay u qaateen meesha dhaqameed la sheeagaba, in iyaguun la sheegayo, maaha kani iyaga urur-dhaqan waa culture organization, sida fanaaniinta urur ay sameystaan raga gabyaaga ahi ha sameysteen, ama nimanka ruwaayadaha dhigaa hasa-meysteen maaha urur-dhaqameed meesha ay sheegayaan, markaa waa kaas oo ururkii xirfadayaasha ayaa la sameysan karaa, Ururkii Ganacsiga (Trade-Union) ayaa ku jira qodobkaa, si khalad ah ayey usoo ogaadeen laakiin sida uu yahay waa sidaa.

Qodobka 3aad: ka saddeexaad hore ayaanu uga hadalnay, waxa weeye, Ururka salaadiinta ama cuqaashu, wuxuu sameysmi karaa marka loo dhan yahay, ee dadka magacaa sheegtaa u dhan yihiin, laalkiin haddii in yari sameeysato waa in ay koox isku sheegaan, waa sida xisbiyada oo kale, xisbi-leh anigaa Somaliland oo dhan u wada hadlaa ma jirto ee kolba intii doorashada, siisa ayuu u hadlaa.

Qodobka 4aad: Hawsha salaadiinta dee sida aynu ku naqiin dhaqan-keena iyo hab-nololeedkeena, hawsha salaadiintu waxay ku kooban tahay, sidii ay beelihii ay sulโ€™daanka u ahaayeen dantooda, Nabadooda iyo wixii cid kale gaadha, sidii ay ugu talin lahaayeen ee ay u maamuli lahaayeen arinkooda ayey leeyihiin.

Qodobka 5aad: Goโ€™aankoodii shirkooda ee ay yidhaahdeen, xisbi lama furi karo, kii la-furayaana waa in laga noqdaa oo afartan-cisho lagu baaโ€™biiyaa, doorashooyinkana ha la iska dhaafo oo shir-beeleed ha laqabto, Qodobkaana waa in lagu noqdaa, waayo, Dastuurkeenii ayuu boqolkiiba 97% aynu ku taageernay, ayuu duminayaa,

Isagoo qodobkaa sii shar-xaya, waxaa uu yidhi; – Annagu shantaa qodob ayaanu u dirnay nimankaa, maanta, nimankii culimada ahaa ayaa qaaday iyagii ayey u geynayaan, jawaabtii ayaanu ka sugaynaa 10: 00 subaxnimo ayey balansanaayeen.

Shantaa qodob hadday soo saxeexaan oo ay yidhaahdaan waanu aqbalnay, dee arinkii waa dhamaaday, fidnadiina wey soo afjarmaysaa, ana u awali-maayo oo dhan maayo haddii ay aqbali waayaan waxaas iyo waxaas ayaanu yeelaynaa, waxay noqonaysaa tadiib iyo hadal aan meesha ku jirin, nimankii sidaas ayaan u diray culimadiina waa ay qaadeen, isla-xalay ayey u geeyeen si ay u akhristaan, maanta wixii ay is odhanayaan, ha is yidhaahdaan, markaa iyagii ayaanu jawaab ka sugaynaa.

Annagu waxaanu leenahay haddii ay intaas yeelaan oo war-qadaas soo saxeexaan xagayaga fidnanimo kama jirto, Nabigu (SCW) waxaanu yidhi:- fidnadu waa hurudaaye wixii toosiya Illaahay ha naclado, markaas annagu sidaas ayaanu qabnaa markaa fidno doon-manihin.

Waxaan ku soo khatimayaa, shacbiga Hargeisa, Buroa, Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo, Boorama, lixda-Gobol oo dhanba, waxaan keeyahay waxoogaagii shalay aan yara cawday, ee aan fagadh-fagadh ka siiyey, dadkii wixii qaranka nasteex u ahaayow maxaad la hurudaan, haddaan annigu shalay idhi; in maanta laga banaan baxay ama laga jawaabay, dadka aad baan ugu mahad naqayaa, waxaan leeyahay hala dhowro waxoogaa fidno raba ayaa idinku dhex-dhumanayee, oo wax tuu-rtuuraya oo mabda aad wadaan ka soo horjeeda aqlabiyadiinu boqolkiiba (97%) ayey ahayd, saddexdii dhinaa ayaa idinku dhex-dhuumanaya, aad baad u mahadsan tihiin, shacbiga Somaliland iyo qaranka Somaliland.

Ninbaa shalay laga sheegayey oo halkan is baac-baacinaayey oo hadal uu ka dhigayo in uu aniga iila jeedo, laakiin aanu aniga iila jeedine, saaxiibadii oo baryahan ka shakisnaa ayuu ku raali-galinaayey, oo taqo kaga doonaayey, wuxuu yidhi;- yuu isku halaynayaa?

Sagaashan iyo Todobadaa 97% ayaan muusow isku halaynayaa, qabiil isku halayn maayo, cid kalana isku halayn mayo, horena iskuma kaan halayn ee 97% Qaranka Somaliland ayaan isku halaynayaa.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker