Ugu Yaraan 42 Qof oo tahriibayaal Ku Ah Liibiya Oo Diyaaradi Xasuuqday
Tripoli(OWN)- In ka badan 42 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xarun lagu hayo dadka qaxootiga kuย ah oo ku taalla waddanka Libya sida laga sooo xigtay masโuuliyiinta dalkaasi.
Ilaa 80 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarunta oo ku taalla bariga degaanka Tajoura oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Duqeynta ayaa waxa geystay ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Hawl-gabka ah ee Khaliifa Xaftar sida Warbaahinta Carabtu ay ka soo xigteen saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha ee Libya.
Saraakiisha ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku dhintay ay u badnaayeen Soogalootiga Afrikaanka ah oo sannadihii u dambeeyay ay marin-ka dhigtay dalka Libya si ay uga sii tahriiban waddamada Yurub.
Waddanka Libya waxaa kala qeybiyay rabshado iyo dagaallo tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011-kii.




