Safiirka Shiinaha Ee London Oo UK Ku Eedeeyey Ixtiraam Darro Iyo Faragelinta Honkong

Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya London Liu Xiaoming ayaa sheegay in dhaawac soo gaadhay xidhiidhka shiinaha iyo UK kadib markii Wasiirka arrimaha dibada ee UK Jeremy Hunt uu taageeray Mudaharaadayaashii qabsaday barlamaanka maamul hoosaadka Honkong ee Shiinaha.

 

Liu Xiaoming wuxuu sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid aan la aqbali karin oo khalad ahaa. wuxuu sheegay in loo baahnaa in la cambaareeyo kuwii qabsaday barlamaanka oo uu ku tilmaamay sharci jabiyayaal.

 

Shiinaha ayaa jasiirada Hong Kong kala wareegay boqortooyada Ingiriiska Sanadkii 1997dii. Heshiiska labada dowladood ay saxiixeen ayaa dhigayay inay jasiiradu ay maamulkeeda hoose u madaxbanaan tahay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker