Golaha Ammaanka Oo Ku Guuldarreystay In Uu Cambaareeyo Muhaajiriintii La Laayay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldarraystay in uu cambaareeyo weerarkii lagu qaaday xarunta lagu hayo dadka soo galootiga ah ee Liibiya ku sugan, sababtuna ay tahay in Maraykanku uusan taageerin qoraalka la diyaariyay.

Ugu yaraan 44 ruux ayaa ku dhintay weerar ay mar sii horraysay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ku tilmaantay weerar mashaqo ah.

Labadii saac ee uu socday kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Britain ayaa qaybisay qoraal lagu cambaaraynayo duqayntii dhanka cirka ahayd, isla markaasna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqaya in ay xabbada joojiyaan.

Balse dublamaasiyiinta Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay fasax uga baahan yihiin Washington, kulankii ayaana dhammaaday iyadoo aan waxba la isku afgaran.

Ma cadda sababta ay ruqsadda u heli waayeen.

Maraykanka ayaa ku baaqay in baadhitaan madax bannaan la sameeyo, gabadh afhayeen ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykankana waxay sheegtay in weerarkan uu muujiyay sida logu baahan yahay in si degdeg ah ay weerarka u joojiyaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada caasimadda ah ee Tripoli, isla markaasna ay ku laabtaan raadinta xal siyaasadeed.

Bishii Abriil Maraykanka iyo Ruushka ayaa diiday qaraar qabyo ah oo ay Britain soo diyaarisay kaas oo ku baaqayay in xabad joojin lagaga dhawaaqo Liibiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker