Raiisul wasaaraha Dalka Ethiopia oo sharaxaad ka bixiyay into Jeer ee laysku dayay in la Afgambiyo Maamulkiisa
Raiisul wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar
badan la isku dayay in la afgambiyo balse
shacabka ay ka war heleen, Waxaana ugu Dambeeyay kii ka dhacay kililka Amxaaradda Todobaadkii lasoo dhaafay , .
Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka
ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku
saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda
uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa
warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay.
Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey
dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen
afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey
qaar ka mid ah madaxda deegaanka
Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda
dhexe ka tirsan.
“Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa
9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya
lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa
sharci darro wuxuuna ka horimanayaa
dastuurka dalka.”
“Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna
afduubtay, Xadiisyadii dowladeednana la wareegay
oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen
walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen
iney warbaahinta la wadaagaan oo ay
dhahaan waxaan tallaabba sharciya ka qaadnay
madaxdii dowladda,
afgambi ha dhihina, oo
afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar
leeyihiin.”




