Maxamed Siddiiq Dhamme wuxuu u xidhan yahay gaabiska Xisbiga WADDANI!

Maxamed Siddiiq Dhamme waxa uu xidhan yahay 72 cisho. Waa Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI oo ah xisbigii helay kalsoonida 41% ka mid ah bulshada Somaliland.

Waxa uu ku hadlayey aragti xisbigu ku raacsan yahay iyo shaqada mucaaridnimo. Laakiin waxa aan arkayaa in aad iyo aad looga gaabiyay samatabixintiisa. Tallaabooyin badan oo ku habboonaa in xadhiggiisa lagaga jawaabo lama samayn.

Waxa ka mid ah:
1. Marka Xisbiga loo keeno kaadhka xafladaha 18ka Mey iyo 26ka Juun waxa ay ahayd in la yidhaahdo “mee martiqaadkii Maxamed Siddiiq Dhamme?”. Waxa ka fiicnayd in laga maqnaado madal ay qabanqaabiyeen ragga indhahaagii iyo barbaartaada xidhay.

2. In la qaaddaco kulankii 29ka Juun iyo 30ka Juun lala yeeshay Xisbiyada ee ku dhammaaday guuldarrada. Wuxuu ahaa mid aan filayay in uu sidan u dhaco. Waa laga dhega-adaygay, casho iyo qado ayaa ka roonaaday masuulka taxaaaban

3. In la abaabulo bannaanbax salmi ah oo ka dhaca xafiisyada WADDANI ee ugu yaraan lixda gobol ee waaweyn

4. In beesha caalamka ee doorashada danaysa loo gudbiyo in aan doorasho iyo wadahadal jirin inta uu socdo xadhigga noocan ahi. Doodda waxa la gaadhsiin lahaa Goleyaasha xeerdejinta iyo cid kasta.

5. In kalsoonida lagala noqdo xeerilaalinta, booliska iyo maxkamaddaha oo qayb ka ah xadhiggan.

Ugu dambayntii Maxamed Siddiiq Dhamme wuxuu u xidhan yahay gaabiska Xisbiga WADDANI. Walaw aanu damiirku na faraynnin waxa ay ahayd in aanay malaha is gaabsanno masuul ururkiisi hagranayo.

Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker