Ururka Dagaal yahanada Taliban oo weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dawladda Afgaanistaan ku Dilay Askar aad u badan
Maleeshiyada Ururka Talibaan ee dalka Afghanistan ayaa weerar ku dilay daraasin ka tirsan ciidanka dowladda,
iyadoo Ururkaasi uu bilaabayo wareega cusub oo ah wada xaajoodyo uu kula jiro dalkan Mareykanka oo Qatar ka socda, kuwaas oo lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaadho dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee Afghanistan.
Saraakiisha Gobolka Waqooyiga dalkaasi dhaca ee Baghlan ayaa sheegay maanta oo Sabdi ah in koox balaadhan oo dagaalyahanada Taalibaan ah ay weerar ku qaadeen baro-kantoroollo amaana oo ciidamada dowladdu ay leeyihiin oo ku yaala degmada Nahreen , halkaas oo muddo saacado ah uu dagaal qadhaadh ku dhex marayay labada dhinac.
Madaxa degmadaas,Fazluddin Mardi, ayaa u sheegay VOAda in weerarkas lagu dillay 26 ka mid ah ciidamada la dagaalama Talibaan ee dowladda, sideed kalena lagu dhaawacay.
Waxaa kaloo uu sheegtay in kooxdii weerarka soo qaaday ay qasaare xooggan gaadhsiiyeen, inkastoo uusan faahfaahin intaa dheer bixin.
Afhayeen u hadlay Talibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa tirada ciidamada dowladda ka dhimatay intaasi ka badiyay, isagoo sheegay inay ku jireen saraakiil sar sare.
Weeraradan ka socda Afghanistan ayaa imaanaya iyadoo maanta oo Sabti ah uu bilaabmayay wareegga todobaad ee wada xaajoodyada u dhaxeeya Mareykanka iyo Talibaan, wada hadalaas oo uu garwadeen ka yahay, Zalmay Khalilzad, oo ah diplomaasi Afganistani ah, dhalashada Mareykanka heysta.




