Heego Oo Boqortooyadii Sucuudiga Ka Been Sheegtay …. See Arrin Yahay ?!
Heego waxay caadaysatay inay war been abuur ah iyo Fake News ay ku maweeliso DANYARTA waxooda ay HEEGO cuneyso waad ogaydeen in barlamaanka iyo golaha xildhibaanadu diideen in gobalada bari martial law iyo bandoo la saaro Jaalle Muuse Pilot laba cisho ka hor ayuu umada magaalada Hargeysa ee container ugu xidhan oo u haysata inay cidi cid bandoo saartay ayuu yidhi bandoodii waan ka qaaday …….Bandoo baan saaray waa been bandoo baan ka qaadayna waa been kale waa laba beenood markaa wadaadkii Muuse Pilot waxay yidhaahdeen Jaalle Muusa Dulkibatayn موسى ذوالكذبتين ……. Halkaa sheekadu kuma joogin ee within 24 Hours afar iyo labaatan sacadood gudahood ayey Heego tidhi Macaali wasiir Faratoon wuxuu kula shiray Nairobi wasiirada khaarijiga ee Kenya ogow Muwaadin wasiirada khaarijiga Kenya waqtigaa waxay ku sugneyd London UK …… Safiir caato ah oo Kenyan ah ayuu la shiray Jaalle Faratoon …… Yeelkeede ,
Hadana within 24 Hours afar iyo labaatan sacadood gudahood waxay yidhaahdeen dawlada Sucuudiga ayaa dib uga noqotay qaraar hore xataa maqaal Af- Ingriisi ah ayaan arkayay haduu qofi maqaalkaa Af-ingriisiga ah u gudbiyo Boqortooyada Sucuudiga hadii Carabi lagu turjumana kasii fiican dhib Diblomasiyeed oo laxaad leh ayey Somaliland u keeni lahayd waayo Boqortooyada Sucuudiga ayaa laga been abuurtay………Anagu in dhawayd beesha caalamka iyo xuquuqul insaanka waxba uma qorno hadii laga tegi waayo labada television Horyal TV iyo Eryal TV oonu aad uga xanaaqnay inuu Jaalle Murdiye iska xidho ayaanu wax ka qornay welina ka qoraynaa, oo maxaad wax ka qortaa meeshiiba waa maleeshaan ee …..Waa qolo aan garanayn ba waxay tahay Dawladnimo waa Makhaayadaa Qoysku ka qadeynayaan hadaad odhan waydo Maansha’a Allah si deg deg ah waxa lagu odhanyaa Jaalle Farmaajo aya lacag soo siiyey waa mandiq maqluub ah waa reverse logic waar facebook Heego warkeeda iga dhaafo ku noqo warka Boqortooyada Sucuudiga …….
Waxa jirta sir ay cid waliba ogtahay oo ah in Dekedii Berbera rag badan oo qoyska qadaynaya ah inay Ispaaro u taal mid yidhi Container-ada ayaan sawiraa iyo mid yidhi anigu meel hadh leh ayaan u sameeyey iyo mid yidhi shirkad container-ada tirisa ayaan leeyahay waar adigu wax wada bilaa micna ah oo mid waliba lacag doonayo waxa ugu dambeeyey nin BahGobe People ah oo seedi u ah Jaalle Muuse Pilot sheegta inuu Muwaadin Jabuuti ah yahay la yidhaah Jaalle Jibriil Yusuf kuna abtirsada 26 June , Jaalle Jibriil Yusuf wuxuu keensaday Ispaaro scans iyo sawir feedhaha ah ka qaad container-ka isagoo leh argagixiso ayaan la dagaalamaya Yaa maxay hada ma Ciise Muuse ayaa argagixiso noqday ileen meesha cid kale ma joogto ee , midhmadh Habar Xabuusho ah ayaa jooga hadii laga tagi waayo see meeday DP WORLD miyaney iyagu hawshaa lahayn … ….. ISpaarada uu dhigtay Jaalle Jibriil Yusuf lacagtii container dekkeda Berbera lagaga soo saarayey ayey kor u qaaday iyadoo markii horeba yaleen Ispaarooyin faro badani kana dhigtay lacag kabadan $ 5500 shan kun iyo shan boqol oo Dollar waa ta keentay in Marakiib waawayn oo wax walba siday ka qaxaan Berbera iyadoo ganacsatadu tidhi waxba ku dejin mayno halkan …..Container lacgta lagaga soo saaro Dekkedaha Geeska ….
Djibouti ……………………………………….. $ 2.500
Mogadishu……………………………………..$ 1.600
Bosaaso………………………………………… $ 1.700
Mombasa………………………………………. $ 2.000
Berbera ………………………………………….$ 4.500
Berbera Update……………………..kabadan $5.500
Muwaadin ogow markuu Jaalle Muuse Pilot Xukunka qabsaday lacagta container-ku $ 2.500-$2.800 ayey ahayd . Runta kale eed ogaaneysaa waxay tahay Muwaadin lacagtaa oo dhan adaa bixinaya saladaada iyo gurigaaga ayey ka go’an tahay..
Sheekadii xoolaha usoo laabo hunguri wad ma arko rag Xamar jooga oo Somaliland ka soo jeeda oo waliba Beesha Jaalle Muuse Pilot u badan oo double dealers ah laba eefaya xagaa iyo xagan ba ka shaqeysta Macaali wasiir Ina Goofaadhi na carabaabay lakiin ka gaabsaday ragaa Yayda ah ayaa arkay in tuug waliba Dekedii Berbera ISpaaro dhigtay iyakuna waraaqdaa beenta ah iyo double control xoolaha ah ayey kasoo dhaadhiciyeen Boqortooyada Sucuudiga ooy ku xidhan yihiin markale aan idiinku celiyo raga doonayey inay Berbera Ispaarada dhigtaan waa Somalilanders lakiin qolada Xamar u shaqo tagtay badankoodu war uma hayn hawshan waa under the radar bay ahayd ……….. Markii Jaalle Ina Goofaadhi hadlay ayey qoladii Xamar iyadu is qabsatay Macaali Raysal Wasaare ku xigeen Mahdiga Somaaliya ayey qoladii xoola dhaqatada ahayd ee uu ka soo jeeday u tagtay ooy tidhi xaalku waa “ Mano a mano “ waar ilaa dawlad deeganka Somalida qoladii kasoo jeeday baa arrinka soo gashay oo tidhi waar sabuulku xoolo garan mayaane dadka meesha yaanay ku layn nimankii waxa lagu yidhi waar shuqulkan foosha xun hadaad joojin waydaan oo neef neef kii dadka ugu timadaan tabtii Abgaalka ayaanu odhan donaa “Galaa god iigalay garuunka ii dhiiba” waar adigu dagaalku ma yarayn waan lays budhayn uun ……..
Intaa kadib dawlada Somaliya waxay Boqortooyada Sucuudiga ku wargelisay in waraaqdaasi ay sharci ahayn adigu Ispaaradii la qaaday …….. Boqortooyada Sucuudiguna waxay yidhaahdeen ka saarnay Waraaqdii protocol ka iyo procedural process ka ba ………….. Beenta Heego ha dhegeysan Boqortooyada Sucuudigu arrinkan iyadu lamay iman markii dambe na kamay noqon Somaliyina ulamay tegin ee cisabadaa Ispaarada dhiganaysay bay ahayd ee la qabtay ee Somaliland kasoo jeeday .
Neefka xoolaha ah ee dhulka Somalidu degto ka taga markuu gaadho wadamada carabta ee khaliijka waxa la yidhaah “ Berberaawi “ sidaasayna ahaaneysaa abid Insha’a Allah.




