War Degdeg ah: Kenya Miyay Aqoonsatay Somaliland?
Magaaladda Nayroobi maanta waxa ka dhacay Kullan dhex-maray Somaliland iyo Kenya.
Madax Somaliland ka socota oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalkaasi kullan kula qaatay SaraakiilKa Tirsan Wasaaradda arrima dibadda KENYA.
Dawladda KENYA,ayaa kullankaas ku tilmaamtay mid kor loogu qaadayo Xidhiidhka Wada-shaqeyneed e labadda dal ee Somaliland iyo Kenya.
Wasaaradda arrimaha dibadda oo qoraal kooban uu ka hadlayo Kullanka Labadda dhinac ku baahiyay Tiwitarka,ayaa waxa uu ku yidhi ““
Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”.




