War deg deg ah : Toogasho ka dhacday Masaajid ku yaal Magaalada Paris
Paris (OWN) – Laba qof ayaa lagu toogtay banaanka Masaajid ku yaal Brest oo ku taal Galbeedka Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Booliska.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Brest Jean-Philippe Recappe ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad kasoo baxay Masaajid ku yaal Magaaadan oo daris la ah Pontanezen taasoo keentay inay dhaawacmaan illaa laba qof.
Jean-Philippe Recappe ayaa Reuters u sheegay inaysan weli kala caddeyn in toogashadaan ay tahay mid ku saleysan Arrimo diimeed iyo inay jiraan waxyaabo kale oo sababay.
Talefishinka France 3 ayaa baahiyey inuu baxsaday ninkii rasaasta ku furay dadkii kasoo baxay Masaajidka.




