Somalia ma laha Dawlada Rasmi ah , Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya oo dood dhinaca Badda ah haatan ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa markale ugu geftay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan baarlmaanka Kenya ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah.

Sidoo kale waxa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Moses Kuria oo ka hadlayay muranka Bada ayaa xusay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya, taas oo uu gar darro ku tilmaamay.

Waxa kale uu dowladda Kenya kula taliyay in ay isticmaasho awoodeeda Milatari, iskana celiso Soomaaliya.

Moses Kuria ayaa sidoo kale dowladdiisu ka codsaday in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay kala soo baxdo gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal.

Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaaban doono bisha September ee sanadkan 2019-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker