Recep Tayyip Ordegan , Geesi ay ku Dhaataan Bulshada Muslimiinta Dunidu,
Sawirka madaxweyne Trump waxaa ku xiga cinwaan ah: “Wuxuu aqlabiyad ballaadhan uu ku hoggaamiyaa toddoba dal.”
Cinwaankan la yaabka leh, ee sawirkiisa la raaciyey ayaa loo turjuntay mid sawir ka bixinayo doonitaanka uu Mr Erdogan uu ku doonayo inuu wakhti dheer uu hoggaanka u sii hayo dalka Turkiga,
balse wargeyska maalinlaha ee afka dowladda ku hadla ee Aksam ayaa wuxuu si taxana ah uu u tabinayey natiijada doorashada Talaadadi ka dhacday magaalada Istanbul.
BBC Arabic iyo Shabakadda cilmibaadhista carabta ee Barometer oo daraasad si wada jir ah u sameeyey
waxay soo xigteen fikirka ay taageerayaasha Erdogan wargeyskaasi isku dhaafsanayeen.
Xisbiga Erdogan ee AK waxaa argagax iyo lama filaan ku noqotay guul darradi uu kala kulmay doorashada siyaasadda dalka Turkiga muhiimka u ahayd ee lagu doranayey Maayarka Istanbul, waxaana wargeyska lagu baahiyey sawirro badan oo hoggaamiyaha Turkiga sumcadda uu carabta ku leeyahay lagu muujinayo.
Daraasaddu laguma soo qaadan dhammaan waddamada carabta oo dhan, balse waxaa lagu soo qaatay 10 dal oo carbeed, daraasaddanna waa tii ugu weyneyd oo la sameeyo.
Daraasaddan waxaa laga qayb geliyey oo wareysiyo laga qaaday 25,000 oo qof oo ka soo kala jeeda 10 dal oo carbeed oo Bariga dhexe, Waqooyiga Afrika iyo Falastiin ku kala yaalla, daraasadda oo socotay inta u dhaxeysay dabayaaqada 2018-kii ilaa iyo 2019-ka.
Shax muujineyso daraasadda waddamada laga sameeyeyAnsixinta qiimeynta
Su’aalaha daraasadda lagu soo qaatay oo loo soo bandhigay dadka daraasadda laga qayb geliyey ayaa waxaa ka mid ahayd sida ay shacabka Carabta u arkaan Madaxda dalalka Mareykanka, Ruushka iyo Turkiga.
Natiijada daraasadda ka soo baxday ayaa waxay noqotay inuu madaxweyne Trump kaalinta ugu hooseeya uu galay.
Waxayna dhammaan shacabka ku nool waddamada daraasadda qaybta ka ahaa codkooda iyo tageeradoodaba ay siiyeen madaxweyne Erdogan, mana jirin madaxweyne xataa ku soo dhawaaday.
11 dal oo daraasadda laga sameeyey 7 ka mid ah 50% waxay codkooda siiyeen Erdogan inuu yahay Geesi.
Aragtida ugu horreysa, waxay u muuqan kartaa iney dadweynaha Carabtu ay aad u jecel yihiin hoggaamiyaha Turkiga, Maadaamaa uu Muslim yahay waddamada sida weyn looga taageerayna ay ku nool yihiin dad aaminsan diinta Islamka.
Xaqiiqda waa sidaa, wixii intaa ka soo hadha taariikhda ayaa sheegi doonto.
Geesiga hoggaamiya Turkiga oo xeebta Falastiin lagu sawiray taasoo muujineysaa taageerada loo hayoXidhiidhkaa Carabta iyo Turkiga u dhaxeeya ilaa iyo wakhti dhow wuxuu ku saleysnaa colaad iyo Is aamin la’aan.
Xilliyadi adkaa ee laga soo gudbay
Ugu horreyn, Turkiga iyo Carabta waa dad qowmiyado kala duduwan ka soo kala jeedo isla-markaana afaf kala duwan ku hadla.
Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo qarniyo ka soo talin jirtay Bariga dhexe intiisa badan iyo Waqooyiga Afrika, waxay ahayd quwad Turkiga oo ay shacabka carbeed ku eedeeyaan inuu iska hortaagay iney iyagu iskood u madax bannaanaadaan.
Maanta, magaalada Beirut oo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan magaalooyinka carabta oo xuddunta bariga dhexe ku taallo, taaiikhda waxay la wadaagtaa wax badan oo waxaa ku yaalla fagaara loo yaqanno fagaaraha shahiidinta oo lagu xusuusto geesiyada qaranka oo ay dileen Cusmaaniyiinta Turkiga oo dalkaasi xukumi jiray.
Wixi ka dambeeyey boqortooyadi Cusmaaniyiintana xiriirka Cummaan iyo Turkiga u dhaxeeyo ma noqon mid soo wanaagsanaada.
Jamhuuriyadda Turkiga oo ka sameysantay boqortooyadi burburtay waxaa ka dhisantay dowlad cilmaani ah, waxayna hor istaagtay khilaafadi islaamka ee Istanbul ka talineysay taasoo argagax ku abuurtay kooxaha islaamiyiinta ee ka jiray waddamada bariga dhexe.
Turkida cusubna waxay diidday in la isticmaalo xarfaha carabiga oo ay boqortooyadi cusmaaniyiinta isticmaali jireen waxayna qaateen farta Laatiinka taasoo astaan muuqata u noqotay sida ay reer galbeedka ugu soo dhawadeen.
Madaxweyneha Turkiga oo qasriga madaxtooyada ka soo muuqday isaga oo ay ku hareereysan yihiin ciidama xidhan dharki cusmaaniyiinti horeArrimahaasi oo dhan ayaa meesha ka baxay tobaneyo sana ka hor marki ay sameysantay dowlad cilmaani ah oo leh ciidamo xoog leh oo Mareykanka gacan saar la leh waxay dhoolla tus militarina la sameeysay Israa’iil iyo waddamada kale ee gobolka.
Dhaleeceynta Israa’iil
Tani iyo marki uu 2002-dii uu xisbiga Erdogan ee caddaaladda iyo Horumarka ee AKP uu talada dalka Turkiga qabtay, siyaasadda Turkiga ayaa u wareegtay dhinaca islaamka,
iyo iney dib u soo nooleyso danaha dunida islaamka iyada oo taariikhdeeda u mareysa, isaga oo doonayey inuu Xidhiidh Ganacsi oo aad u adag uu la yeesho waddamada carabta si uu u kobciyo dhaqaalaha Turkiga.
Turkida hadda jirto, ee awoodda maamulka shacabka gacantooda uu ku jiro, Madaxweyne Erdogan wuxuu si cad uu uga soo horjeestay Rabitanka Mareykanka, isaga oo Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ugu yeedhay hogaamiyaha “dal argagixiso ah”, marinka Qaza ee xidhanna ku cambaareyey, dhibaatooyinka Qazana ku tilmaamay “Xabsi Furan”.
Marwan Muasher, oo horay uga tirsanaa hay’adda CEIP ee u dhaqdhaqaaqda nabadda ayaa wuxuu sheegay, inuusan la yaabeyn Hadallada Mr Recep Tayyip Erdogan ee necaybka Isra’iil ku saabsan, wuxuu sumacad badan uu kaga helay Dhulka Falastiin iyo Urdun oo ay qoxootiga Falastiiniyiinta ee ugu badan ku sugan yihiin.
Billowga hoosaasinta
Fehim Tastekin, oo ka faalloodaa arrimaha Turkiga oo wax ka baarty bariga dhexe, ayaa wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay inuu madaxweyne Erdogan waxa Israa’il ka aamisan yahay ay tahay mid dhib badan oo ay adag tahay in meel loo tiiriyo..
“Xagga ganacsiga markaan eegno Xidhiidhka Israa’iil iyo Turkiga ka dhaxeeyo si deggan ayuu u socda” ayuu yidhi, Balse “marka uu aqlabiyadda Carabta iyo fagaarooyinka Turkiga uu ka hadlayo Erdogan wuxuu iisu muujiyaa inuu yahay sida hoggaamiyaha G20 isaga oo Israa’iil cambaareeya shacabkana ugu yeedhaa iney Israa’iil dhan ka wada noqdaan”.
“Arrintanna ma aha mid ay inta badan madaxda reer galbeedka arkaan.”
Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ee Turkiga intooda badan waxaa si weyn ugu Ugu Riyaaqeen ninkan siyaasaddiisu Caddahay lehna Daacadnimo iyo Muslimnimo , si uu u hantiyo taageera shacabka ugu badan ee dalkaasi isaga oo dadka uga dhigayo inuu Turkiga uu ka dhigayo dal Muslim ah oo Awood badan  “Sidaa ayayna dadka ugu badan codkooda ku siiyeen.”
Shacabka Tuunisiya oo sita sawirka Erdogan 2011 xilligi uu kacdoonka carabta socdayDhanka carabtana waa in sida oo kale dib u milicsi lagu sameeyaa.
Xiisadda Masar
“Suudaan xilligii dunida inteeda kale laga go’doominayey uu waddankaasina ka talinayey madaxweynihi hore oo dhawaan xilka laga tuuray Omar al-Bashir, madaxweyne Erdogan wuxuu dalka Suudaan uu ka sameeyey maalgashi aad u badan” ayuu yidhi Fehim Tastekin, shacabka Suudaanna abaalkaas wey u hayaan.
Natiijada daraasadda ka soo baxday marka la dhuuxo, Dalka Masar oo ah dal ay ku nool yihiin shacabka carabta ugu badan, waxay Kalsooni weyn ka qabaan siyaasadda hoggaamiyaha Turkiga.
55% ayaa shacabka Masar taageertay siyaasadda Erdogan taasoo caddeyneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Waayo Haddii aanu Siisi Ahayn Madaxwayne Waxaa la saadaalinkarilahaa in Shacbiga Masaaridu 90% Ay Taageeri lahaayeen Hoggaamiyaha Turkeyga mr Ordegan.
Cilmibaadhe sare oo ka tirsan Arab Biometer, oo lagu magacaabo Michael Robbins oo wax ka dhiga jaamacadda Princeton wuxuu aaminsan yahay “Rabitaanka shacabka ee ah in Xidhiidh wanaagsan lala yeesho Turkiga hoos ayey ugu dhacday Masar, Liibiyana waa la mid taasoo muujineyso sida looga soo horjeedo kooxaha islaamiyiinta ee dalalkaasi ka dhaqdhaqaaqa.
Salaanta afarta farood ee caadada u ah Erdogan ‘Rabaa” wuxuu ka soo qaatay mudharaadyadi ikhwaanul Musliimiinta Masar ee 2013Madaxweyne Erdogan Waxaa uu Si cad isu Garabtaagay  dhaqdhaqaaqi ikhwaanul Muslimiinta Masar, ee dowladda uu hoggaaminayey Mohammed Morsi iyo Dawladdii uu soo dhissayba , xilligaasi oo ay dalka Masar ka dhacday doorashadi ugu horreysay oo xor ah kaddib marki xilka laga tuuray madaxweynihi 29 sano hoggaanka dalkaasi soo hayey Hosni Mubarak.
Astaanta Afarta farood “Rabaa”
Erdogan oo ka soo jeeda qoys Muslim ah, Masar ayaa waxay cagta saartay waddadi guusha uu gaadhay Erdogan Mid la mid ah.
Mudaharaadyo waaweyn oo dalka Masar ka billowday oo looga soo horjeeda xukumadda Morsi ayaa billawday, kaddib Morsi waxaa af gambiyey ciidamda dalkaasi oo uu hoggaaminayo General al-Sisi.
Erdogan markaa ayuu billaabay inuu adeegsado calaamadda afarta farood ee loo yaqaanno “Rabaa”, calaamaddaasi oo lagu xusuusanayo xubnaha iskwaanul muslimiinta ay ciidamada Masar dileen isaga oo astaanta ku muujiyo taagerada uu dadkaasi u hayo.
Erdogan oo si weyn uga soo horjeeda General al-Sisi oo hadda hoggaaminaya xukumadda Masar, al-Sisi ma noqon mid dib u soo noqdo oo la dhayalsan karo.
Hadaba Maanta Markaynu eegno mr Ordegan waa hogaamiyaha U Taageerada Badan Aduunka oo dhan Gaar ahaanna Caalamka Muslimka, Abdifataax alsiisina waa Ducafadii ay ku Adeeganeen Reer Galbeedku Gaar ahaanna Macatab ku dirirka iyo Sahnuuniyadda
Wabillaah Tawfiiq
By Suxufi Sinyoore Hargaysa Somaliland





