Raiisul wasaare Khayre iyo Ahmed Geelle Xaaf oo U muuqda kuwo isku Farkar dhawaanaya
Godinlabe (OWN) โ Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa degaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb.
Raโiisul Wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Cadaado ee Xarunta baarlamanka Galmudug oo uu kula hadli doono masโuuliyiin uu ka mid yahay Xaaf.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay bannaanka deegaanka isku gacan qaadeen, kuna yeesheen kulan kooban, waxaana ka muuqatay isu dhoola cadeyn.
Soo dhoweynta Xaaf iyo inuu Kheyre ka hortagay ayaa lama filaan noqotay marka la eego wixii dhex maray labada dhinac iyo xiisadda siyaasadeed ee sanadaha u dhaxeysay.Raโiisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira in sidii Maamulka Galmudug wadajir loogu dhisi lahaa, iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin, waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajooneyso oo kaliya.




