Mareykanka Oo Sacuudiga Iyo Imaaraadka U Kaashanaya Baabiinta Shacbiga Iiraan

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta gaadhay dalka Sacuudiga, halkaas oo uu ku yeelan doono wada-hadallo iskaashi oo ka dhan ah Iraan.

Pompeo ayaa la filayaa inuu magaalada Jeddah kula kulmo boqor Salman iyo dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ka hor inta uusan u duulin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeya in Mareykanka uu si adag u wajaho dalka ay xifaaltamaan ee Iraan, kaasi oo toddobaadkii tagay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku uu leehaa.

Isaga oo la hadlayey weriyayaasha ka hor inta uusna ka tagin Washington, ayaa Pompeo waxa uu Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu yeedhay “laba xulufo oo muhiim u ah caqabadaha ka imanaya Iraan.”

“Waxaan kala hadli doonnaa sidii aan ku xaqiijin lahayn inaan u midowno sida aan ku dhisi karno xulufo caalami ah” ayuu yiri Pompeo.

Mareykanka ayaa la filayaa in maanta uu cunaqabteyn dheeraad ah saaro Iran, si looga jawaabo diyaaradii ay soo ridday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker