Madaxwayne Xaaf Oo Ku Dhawaaqay In Uu Gabi Ahaanba Burburay Heshiiskii Uu La Galay Ahlu Sunnah
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu xalay ku hoyday magaalada Godinlabe isagoo safar dhulka ah ku socda, waxaana saakay la filayaa inuu gaadho magaalada Cadaado.
Madaxweyne Xaaf ayaa isaga tegay magaalada Dhuusamareeb kaddib markii halkaasi ay gaadheen ciidamada gaarka ah ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoona soo saaray qoraal lala yaabay oo ku saabsan burburka ku yimid heshiiskii maamulka Ahlu Sunna ay kula galeen dalka Jabuuti.
Qoraalka ayuu ku sheegay inuu gebi ahaanba Burbuay heshiiskii uu la galay Ahlu Sunna, isagoona ku eedeeyeen kooxdaan inay ku caan baxeen sedbursi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dhammaatay kala aragti duwanaanshihii u dhaxeysay maamulkiisa Galmudug iyo Dowladda Federaalka.





