Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Oo Geeriyooday

Naxariistii janno alle ha siiye, waxaa wadanka Turkiga ku geeriyooday Guddooyinkii maxkamada sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.

 

Guddoomiyaha ayaa muddo dheer la tacaalayay xanuun ku soo booday, waxaana la dhigay cusbitaal ku yaal dalkaasi Turkiga, halkaasi oo uu Koomo ku galay, kadibna maanta uu ku geeriyooday.

 

Yuusuf Xaaji Nuur oo 50 sanno ka badan sharciga ku soo jiray ayaa 1998dii, asaaskii puntland wuxuu noqday guddoomiyihii maxkamada sare ee Puntland, kadibna wuxuu noqday Madaxweyne ku-meel Gaar ah.

 

Yuusuf Xaaji Nuur ayaa mar kale waxaa guddoomiyaha maxkamada sare u magacaabay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Inaa Lilaah waa inaa Ilaahi Raajicuun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker