Maraykanka Oo isu diyaarinaya inuu Ciidamadiisa Kala Baxayo Dalka Afghanistan

Dowlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa in ay ku dhawaaqdo todobaadka soo aadan in 4,000 oo askari ay kala baxdo gudaha Afghanistan.

Askar tiradoodu u dhaxeyso 8,000 ilaa 9,000   oo askari oo Mareykan ah ayaa ka bixi doona Afghanistan kuwaasi oo qeyb ka ah Gaashaanbuurta NATO sida uu tabiyay Maalintii Axada ee Shalay  Tv-ga NBC.

 

Warbixinta ayaa ku soo aadeysa iyadoo Masuulka Dawlada  Mareykanka U matalaya ee wadahadalada nabada Afghanistan Zalmay Khalilzad uu dib ula bilaabay wada xaajood Ururka Taalibaan maalintii Arbacada.

 

Lama oga xilliga ay bilaaban doonto Tirada ciidanka Mareykanka balse waxaa la filayaa in dhowr bilood  ay qaadato.

Dhanka kale afhayeenka ciidanka Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa sheegay in uusan soo gaadhin amar lagu dhimayo ciidankooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker