Dawladda Kenya oo dambi ku heshay Rag ku Eeedaysnaa Xasuuqii Jaamacadda Gaarisa

Nairobi (OWN)-Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay kasoo muuqday afar Ruux oo loo heystay inay qeyb ka ahaayeen weerar Al Shabaab  ee Labadii April ee sanadkii 2015 ka geysteen Jaamacadda Gaarisa.

Ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi

Francis Andayi oo ah garsooraha maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in seddex kamid ah eedeysanayaasha lagu helay dambiga Loo heystay oo ahaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ka dhacay jaamacadda magaalada Gaarisa.

Maxkamadda ayaa siideysay Sahal Diiriye Xuseen oo lagu waayay dambiga,waxa lagu helayna ahayd in uu la joogay mid ka  mid ah Ragga weerarkaas loo heysto, sidaasna lagu soo Xidhay.

Dhamaan Afartii Nin ee fulisay Weerarkii Gaarisa ayey dowladda Kenya sheegtay in ay isla Jaamacadda ku dhinteen , halkaas oo ay ku ku laayeen  148 qof oo Ardey u badan.

Garsooraha Maxkamadda Nairobi, Francis Andayi waxa uu amray in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga, inta laga gaadhayo bisha soo socota ee July 3-da, xilligaasi oo lagu dhawaaqi doono Xukunkooda.

Al Shabaab ayaa ardaydii ugu badneyd ku dilay jaamacadda magaalada Gaarisa ee dalka Kenya sanadkii 2015, waxaana la sheegayaa inay ahaayeen ardaydii ugu badneyd ee lagu dilay dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker