Golaha Dhaqanka ee Gobolada Galbeed Waxay Gaadhsiiyeen Maddaxweynaha Somalilnad Waxay doonayaan ummmadda Ku nool awdal iyo Salal gude iyo dibadba.

waxaan la soconaa dibadda iyo gudahaba sida ay wax u socdaan,iyo siday fariintii ay fareen dadweynaha ku nool gobalada galbeedka gaar ahaanv awdal iyo salal golohooga dhaqanka ama salaadiinta metasha gobolada awdal iyo Salal  ,fariintaas oo ay u direen beesha dhexe oo uu hormoodka yahay maddaxweynaha muuse biixi cabdi,fariintaas oo ah in la saxo waxayaabo qaladaad ah oo dhacay muddo hore taasi oo ku salaysan saami qaybsiga guraasta baarlamaanka somaliland ,taasi oo muddo aad u badan ay sugayeen ummadda reer Awdal,bulshadaas oo ah bulsho aqoon iyo samir uu illaahay  ku manaystay waayo?maanta meelkasta oo Somali ku nooshahay waxaa wax lagu kala qaataa qori iyo rasaas,waxaana somalidu cadkooda siiyaan kolba qolada xabad rida ama dagaalata,laakiin bulshadan reer awdal way ka duwan yihiin iyagoo adeegasanaaya aqoon ay ummadda kale dheer yihiin.
waxaan akhriyey beri nin reer kenya oo qoraa ahaa oo ka shaeeyey awdal qoraal uu ka qoray bulshada ku nool gobolada awdal ,wuxuu yidhi waxaan gobolkaa ku soo arkay ummad ka duwan bulshada somaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin,waxaan ku soo arkay ummad aqoon iyo dulqaad ilaahay siiyey ,waxaan kale oo aan halkaa ku soo arkay riyo cadhsaab loo xidhay ,cadha saab waxaa la yiraa riya irmaan si aanay maqashu u jiqin keeshali loogu tala galay riya.
Haddaba waxaa wax lala yaabo ah suldaanada ka badhay wixii ummaddu fartay ee ka soo hor jeesatay salaadiinta reer awdal ,hore waxay somalidu ku mahmaahaday nin hunguri kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday,waxaa wax laga xumaado dhalin yaradii ka soo jeedaa suldaanada hungrigu qaaday in ay shaashada muuqaalada ka soo sheegaan sida xun ee ay sameeyeen suldaanada magacooga matalayaaya waana nasiib daro ku dhacday beelaha makaahiil samaroon.somalidu beryihii ay isku duuli jireen ama dagaalami jireen warmaha iyo gaashaaka waxay ka dhigan tahay warmaha waxay kala soo hor jeesteen tolkood ,taasi ayey ka dhigan tahay suldaanada ka soo hor jeestay suldaanadii sida xaqa ah wax u doonaayey.
Sida dhalinyaradu sheegay waxaa qaladaadkaa sameeyey beesha suldaanadaa ka badhay maanta ay sameeyeen muddo ka hore,maantana waxay rabaan in ay ku sameeyaan qaladaad kale bulshada reer awdal ,waan wax laga xumaado in ay maantana qalad kale sameeyaan iyagoo u danaynaaya shaqsiyaad raba in uu ku fuulo kursi ,bal waxaan waydiinayaa suldaanada ka baydhay ama ka soo hor jeestay suldaanadii saxda ku hadlaayey ma masayrka ummadda ayey ka hor mariyeen shaqsiyaad rab in uu kursi ku helo?.
Halka salku ka qudhmay ayaan ummadda reer awdal ee saxda ah u sheegayaa beeshu horta iskuma duubno qolaba dhinac bay wax ka doonaysaa ,qaarkoodna  lama hayo suldaankii meteli lahaa ,markaa ummad aan isla socon ama wadda tashan qaladaadkaas oo kale ayey sameeyaan waayo?beel isku xidhan ma jirto waa beel kala daadsan markaa waxaan leehay samaroonka sida wanaagasan u tashada ama kuu matala uun baa ummadda reer awdal metalaysa.
Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa suldaanka guud ee samaroon suldaan dhawel waa halyeyga samaroon dadka dibada ku noolana way kula socdaan waxaa ummadda reer awdal u qabanayso taariikhduna way qori doontaa waxaa ummaddaada ku hogaaminayso ilaahay uu kaa jasaa i siin doonaa ,waxaa kale oo aan u hanbalyaynayaa suldaan guud ee beelaha maxamaed case suldaan samatar.
haddii aan nahay qurbe jooga reer awdal waxaa na matala waa suldaana fariintii reer awdal u godbiyey sida saxda ah ee ay fareen,haddi somlailand ay sixi weydo saami qaybsiga markaa reer awdal iyagaa tashan doona gude iyo debedba .
Ali Abdi Farah (abrar)
Toronto Canada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker