Madaxwayne Ordegan oo kaga Dhabeeyay Inuu Hanto Gantaalaha S400 ee uu Ruushku ka iibiyay & Cadhada maraykanka oo Noqotay mid uu Baalmaray

Madaxweynaha Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta shaaca ka qaaday in Marka La Gaadho  bilowga bisha soo socota ee July ay filayaan in Turkiga ay soo gaadhaan gantaallada S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka.

Telefashinka CNN qeybtiisa Af-Turkiga ayaa maanta baahiyay in madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in gantaalladan oo ah kuwa lidka diyaaradaha ay Ankara heli doonto bisha soo socota.

 

Heshiiska uu Turkiga gantaalladani uga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Mareykanka oo xulafo ku ah gaashaanbuurta NATO. Washington ayaa ku hanjabtay in ay Cunaqabateyn kusoo rogi doonto Turkiga ,haddii uu Turkeygu ka dhabeeyo heshiiska gantaallada S-400.ee uu kasoo Iibsanayo Ruushka

Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa horraanti bishaan waqrad uu u diray dowladda Turkiga ugu digay Cawaaqib Xumada ay La kulmi doonto haddii ay ka laaban weydo  heshiiskaasi ilaa 31-ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F-35 u jooga dalkaan Mareykanka.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Mareykanka ka gato in ka badan 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35. Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu heshiiskaasi joojin doono, sababo uu ku sheegay in aysan meel isla gali karin gantaallada difaaca Ruushka ee S-400 iyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker