Cudur dilaa ah oo laga soo wariyay dalka Nigeria

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka Nigeria ayaa shaaciyay in magaalada Abuja ee caasimadda dalkaas uu ka dilaacay caabuqa dilaaga ah ee diptheria, kaddib markii uu u dhintay canug afar sano jir ah.

Astaamaha xannuunkan ah naqaska oo qofka ku dhaga, wuxuuna dhibaatooyin caafimaadka wadnaha.

Xarunta xakameynta iyo cuddurada dalka Nigeria (NCDC) ayaa sheegtay in cudurkan sidookale ka dilaacay guud ahaan dalka sanadkii hore.

Kiisas gaaraya 800 oo xannuunkan ah ayaa la diiwaan geliyay waxaana u dhintay 80 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker