Xulka Ajax oo Hanatay Horyaalka Dalka Holland
Kooxda Ajax Amsterdam ayaa xalay ku guuleysatay horyaalka dalka Holland, kaddib marki ciyaarteedi ugu danbeysay xilli ciyaareedkan ay ku soo xirtay 4-1 oo ay ku garaacday De Graafschap.Waxay koobka uga guulesteen kooxda kusoo xigtay ee PSV Eindhoven oo ay ka sarreeyeen saddex dhibcood. PSV, waxay Arbacadi 3-1 ugu awood sheegatay Heracles Almelo.
Waa marki ugu horreysay oo ay Ajax ku guuleysaneyso horyaalka tan iyo sannadki 2014, waana markeedii 34-aad ee ay qaadeyso horyaalka dalka Holland.
Ciyaarteedii Arbacadi shalay, Ajax goolasha ay ku badisay labo ka mida waxaa u dhaliyay Dusan Tadic, iyadoo ay ciyaartooyda iyo taageerayaasha ay sagootiyeen laacibka khadka dhexe Frenkie de Jong oo ku wajahan kooxda Barcelona.





Facebook Forum