Mid Ka Mid Ah Murrashaxiinta U Tartamaya Doorashada Dalka Hindia oo Lagu eedeeyay inuu jidh dilay Dameer

Ciidammada Bileyska Dalka Hindiya ayaa waxa ay uu ku soo eedeeyeen mid ka mid ah Musharaxiinta Doorashada Dalkaasi in uu jidh dilay dameer.

 

 

 

Musharaxan oo magaciisa la yidhaahdo Mani Bahushan Sharma ayaa waxa lagu eedeeyay in uu dameer u adeegsaday Baaskiil ahaan isla markaana uu hor yimid isaga oo dameeerkaasi wata xafiiska Doorashada kadib markii maamulka doorashooyinka ay diideen in ay ka qabtaan waraaqihiisa uu ku tartarmayay.

Falka lagu soo eedeeyay Musharaxan ee la xidhiidha hab dhaqanka xun ee lagula  kaco xayawaanada kala duwan ayaa waxa lagu mutaysan karaa gannaax lacageed iyo sidoo kale xabsi muddo dhan 7 sano .

Musharaxana ayaa falkaasi lagu eedeeyay ku sababeeyay inuu tusaale uga yahay culeyska iyo dhibaatada haysata Muwaadiniinta u dhashay Dalkaasi kaasi isla markaana aanay ka ahayn kibir iyo cadaadis uu saarayay dameerkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker