Dawladda Iiraan oo Sheegtay In aanay Marnaba Dheg jalaq u siin doonin Hanjabaadaha Maraykanka , iyo Markabkiisa Dagaal ee uu u soo diray Xeebaha Iiraan

 

 

181212-N-GC347-0128 ATLANTIC OCEAN (Dec. 12, 2018) The Nimitz-class aircraft carrier USS Harry S. Truman (CVN 75) transits the sea. Harry S. Truman will continue to foster cooperation with regional allies and partners, strengthen regional stability, and remain vigilant, agile and dynamic. (U.S. Navy photo by Mass Communication Specialist 2nd Class Scott Swofford/Released)

Washington (OWN)- Mareykanka ayaa Markab dagaal oo weyn u diray Bariga Dhexe si uu digniin ugu diro Iiraan kaasi oo la xaqiijiyay in uu ku ruqaansaday xeebaha waddanka Iiraan.

La taliyaha arrimaha ammaanka Mareykanka, John Bolton, ayaa sheegay inay ka falcelinayaan xiisadaha iyo digniinaha muujinaya dagaalka inkasta oo uu xusay in aanay Maraykanku dagaal ay Iiraan la galaan noqon doonin kuwa xabbadda koowaad rida.

 

Tallaabadan ayaa imanaysaa xilli ay jiraan warar sheegayo suurtagalnimada ah in weerar kusoo socda ciidammada Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo kaso xigatay sarkaal Amerikaan ah oo aanan magaciisu la sheegin.

Bolton waxaa uu ka dhawaajiyay in Mareykanka uusan dooneyn dagaal balse ay ka jawaabi doonaan tallaabo kasta oo dandaansi ah.

β€œMareykanka ma doonayo inuu dagaal ku qaado Iiraan balse waxaan isku diyaarinay in aan ka falcelinno weerar kasta oo nalugu soo qaado, ha ahaadaan dalalka xulufada la eh, ciidammada kacaanka Iiraan ama ciidammada Iiraan” ayuu yiri Bolton.

Markabka USS Abraham Lincoln, hadda waxaa uu ku wajahan yahay xeebaha Iiraan

 

 

Markabka dagaalka ayaa ku sugan Yurub, waxaa uu dhoola tus halkaasi kula sameynaya maraakiibta dagaalka ee xulufada Mareykanka tan iyo dabayaaqadii bishii hore.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda, Iiraan, Javad Zarif ayaa ku eedeeyay la taliyeyaasha Trump inay wadaan daandaansi militari.

Ma ahaa, markii ugu horreysay ee markabkan loo diro xeebaha Bariga Dhexe, si kastaba , arrintani ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex taagan Iiraan iyo Mareykanka.

Mareykanka waxaa uu joojiyay shidaalkii uu kasoo dhoofsan jiray Iiraan, sannadkii lasoo dhaafay madaxweyne Trump waxaa ka baxay heshiiskii Nukliyerka ee Tehran lala galay sannadkii 2015-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker