Maxay yihiin waxyaabaha ugu waa weyn ee hadheeyay doorashada Koonfur Afrika?

 

Maalinta berita ah waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhici doonta doorasho guud 25 sano kaddib markii dalkan ay ka dhacday doorashadii ugu horraysay ee si xor ah u dhacda taas oo xigtay burburkii xukunkii midabtakoorka.

Xisbiga ANC ee hayay talada dalkan tan iyo 1994 ayaa loo badinayaa inuu markii lixaad ku guulaysan doono doorashadan ay ku loolamayaan ku dhawaad 50-ka xisbi.

 

Doorashadan oo ay isu diiwaangeliyeen 26.75 milyan oo qof ayaa sanadkan waxaa la sheegayaa inay noqon doonto mid si weyn loogu loolami doono.

1.3 milyan oo qof oo aan ka qeybqaadan doorashadii hore ayaa sanadkan isdiiwaangeliiyay, hasayeeshee 10 milyan oo qof oo dhalinyaro u badan ayaanan doorashan isu diiwaangelin.

Balse inta badan dadka Koonfur Afrika waxa ay ka walaacsan yihiin heerka tayada noloshooda, oo qiyaastii kala bar dadka dalkan waxa ay ku nool yihiin wax ka hooseeya xaddiga faqriga ee la isla ogol yahay.

Falal dambiyeedka ayaase ah walaaca qofkasta uu qabo walow dhibka ugu badan uu soo gaaro dadka saboolka ah; arrinta kale ee xasaasiga ah ayaa ah heerka shaqa la’aanta oo ah mid aad u sarreysa.

Waa gobaha ay deggan yihiin dadka u dhashay waddanka oo ka cabbanaya in dhulkooda laga dhacayWaa gobaha ay deggan yihiin dadka u dhashay waddanka oo ka cabbanaya in dhulkooda laga dhacay

Dad badan oo dalkan u dhashay ayaanan dhanka kale haysan koronto iyo nadaafad, waxaa jira kuwa kale oo badan oo guryo la’aan ah arrintaana waa sababta riixaysa in isbadel lagu sameeyo sharciga dhulka ee dalka, oo waxaaba meelaha qaar la hadal hayaa in dhul beeraadka dib loo qeybiyo.

Tayada waxbarashada ee deegaannada qaar iyo dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada sare ayaa iyana ah arrin ay dad badan isha ku hayaan.

Waxaanse meesha ka marnayn arrimaha cadaaladda in si hufan loo baaro kiisaska dambiyada la xiriira.

Tageerayaasha xisbiga ANC

Haddaba ANC oo doorashadii 2014 ku guulaysatay 62.2% sidaasna uu ku helay 249 kursi oo ka mid ah 400 ee kuraasta baarlamaanka, haatanse waxaa la saadaalinayaa inuu xisbigan heli doono inta u dhaxeysa 54% iyo 61%.

Dhanka kale waxaa la qiyaasayaa inuu kaalinta labaad soo geli doono xisbiga midig dhexe ee Democratic Alliance halka kaalinta saddexaad lagu wado inuu gali doono xisbiga bidix fog ee Economic Freedom Fighters.

Hasayeeshee xisbiyadu waxay ku kala bixi doonaan sanduuqa codbixinta oo maalinta berita ah dalkan ka furmi doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker