Maxaa Sababay inuu Donald Trump uu si Naxariis Leh U Lahadlo Dadka Muslimiinta ah
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa farriin uu xalay soo saaray muslimiinta dunida ku hambalyeeyay, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta koow ah.
Farriintan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka cad, ayaa Trump si cajiib ah uga hadlay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan.
β Waxaan salaam diirran u dirayaa dhammaan muslimiinta u dabbaal-degaya bisha Ramadaanβ ayaa Trump ku bilaabay farriintiisa.
Mr Trump ayaa sheegay in Ramadaan tahay, markii Qurβaanka kariimka ah lagu soo dejiyay nebi Muxamed SCW, oo qoysaska iyo bulshooyinka muslimka ah ay ku maamusaan Qurβaan akhris, khushuuc iyo salaad.
βRamadaanta, muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo waaberka ilaa makhribka iyagoo Qurβaanka akhriya, shaqooyin wanaagsan qabta, dadka kalena u samafala, waxaana ay arrimahaasi u samaynayan, si ay u gaaraan safarka noloshooda ee ku jihaysan in ay naxariista Alle helaanβ ayuu yiri Trump.
βBishan gudaheeda, dhammaanteen waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay, waa in aan si wadajir ah uga shaqeynaa saaxiibnimada iyo kalgacaylka dhexdeenna ah, waxaan xaqiijin karnaa bulsho ku nool isku duubni iyo ixtiraamβ ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyntii, wuxuu farriintiisa ku geba-gabeeyay in isaga iyo xaaskiisa Melania, ay khayr badan u rajaynayaan muslimiinta dunida ee ay u bilatay Ramadaan.





