Daawo: Madaxweyne Farmaajo Maka dabaalan karaa Hujuunka Mucaaradeed ee uu kala Kulmay Magaalada Garoowe , oo ah Madal kulmisay Siyaasiyiin ku kala Fogaaday Siyaasadda Dalka Somalia ?
Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ku sii qulqulaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana berri oo Axad ah lagu wadaa in halkaasi uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa dhawaan waxaa ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.
Deni ayaa xilligaasi sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.
Siciid Deni ayaa sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay madexweyneyaasha maamul gobolleedada Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo ay ka wadahadleen waxa uu ku sheegay wadashaqayn la’aanta muuqata ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in uu ka dego Garoowe, waxaana ka sii horreeyay ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirro ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxda maanta Garoowe ku shireysa ayaa siyaasad ahaan waxa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, waxaana khilaafkii hore ee u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uga sii daray go’aanka golaha wasiirada ee dowladda federaalka uu ku meelmariyay hindise-sharciyeedka doorashooyinka, arrintaa oo inta badan ay ka biyo diideen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Lahaanshaha sawirkaUN
Image caption
Qof codkiisa dhiibanaya
Muxuu ku saleysan yahay khilaafka cusub?
Waxyaabaha haatan soo ifbaxay ee dowladd dhexe iyo maamul goboleedyadu aadka isugu khilaafeen waxaa ka mid ah tallaabada golaha wasiirrada dowladda federaalka ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka doorashooyinka. Qodobka ugu muhiimsan ayaa aha qodob dhigaya in dowladda haatan jirta iyo baarlamaankuba ay xilka sii haynayaan haddii doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan.
Arrintan ayaa timid iyadoo bilihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay muddo kororsi la sheegay in madaxda dowladda federaalka ay ka fikirayaan, ayaa qodobka 56-aad ee hindise-sharciyeedka cusub lagu arkay isla arrintan.
Qodobkaasi ayaa waxa uu si qayaxan u caddeynayaa in haddii ay dhici weyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti kororsi loo samaynayo baarlamaanka .
Farqada 7-aad ee isla qodobkan ayaa si cad u sheegaya in haddii baarlamaanka muddada loo kordhiyo, in madaxweynahana ay sidaas isla mudadaasi ugu kordheyso xilheynta madaxweynaha jamhuuriyadda.
Maxaa loo fasiran karaa shirka Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya?
Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada
Waxaa sharcigan durbaba gaashaanka ku dhuftay dowlad goboleedyada qaarkood iyo xisbiyada siyaasadda, waxayna ku tilmaameen arrin kasoo horjeedda dastuurka.
Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaan iyagu la daahin war saxaafadeedyo ku saabsan diidmadooda ku aaddan sharcigan.
Warsaxaafadeedyada oo inta badan isu ekaa dhanka qodobada, ayaa madaxda dowladda loogu baaqay in ay dib uga fiirsato sharciyada golaha wasiirada ay ansixiyeen ee doorashooyinka iyo waliba kan batroolka.
Dhanka xisbiyada siyaasadda, illaa iyo hadda waxaa war saxaafadeed soo saaray xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana lagu sheegay in “ujeedada dhan ee sharciga doorashooyinka ay tahay muddo kororsi xilleed”.
Dhinacyada wada ay si isku mid ah dhaliil uga qabaan in aanan lagala tashan iyaga .
Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaanan iyagu ka hadlin sharciga la ansixiyay.
Nidaamka Doorashada
Qodob kale oo aad loogu kala aragti duwanyahay oo ku jira xeerka cusub ayaa ka hadlaya nidaamka doorashada ay u dhacayso.
Xeerka cusub ayaa dhigaya in doorashada lagu galo qaab xisbiyo, iyada oo musharaxa madaxweyne ee xisbiga hela aqlabiyadda baarlamaanka uu si toos ah u noqonayo madaxweynaha, isla xisbigaasna uu noqonayo kan soo dhisayo xukuumadda.
Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa qaba in madaxweynaha ay soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka.
Gudiga dorashooyinka Soomaaliya oo kulamo wadatashi la qaadanaya qurba-joogta Soomaalida
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu yiri “Ansixinta Hindise-sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay”.
Nidaamka doorashada loo galayo ayaa noqonayso kan loo yaqaan Matalaadda dheelitiran – ee liiska xiran, taasi oo ka dhigan in xisbiyada ay doorashada ka hor soo gudbiyaan magacyada musharixiinta xildhibaanimada.
Daawo: Cabashooyinka doorashooyinka Soomalaiya
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda federaalka iyo guddiga doorashooyinka madaxa banaan ayaanan weli labaduba ka hadlin hindise sharciyeedka cusub.
Hase yeeshee waxaa jirta in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay isugu tagayaan magaalada Garoowe.
Saameynta khilaafkii waddamada khaliijka
Bishii Juunyo ee sannadkii 2017 ayaa waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynin, taasi oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar oo aad ugu dhawaa dowladda Soomaaliya.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda hodanka ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.
Soomaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.
Bartamihii April ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.
Murankii u dhaxeeyay waddamada Carbeed waxa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya, oo waxaa dhacday in inta badan maamul goboleedyada ay la saftaan dowladda Imaaraadka Carabta oo ay geeska geliyaan dowladda federaalka oo dad badani u arkayeen in ay u janjeerto dhanka Qadar iyo Turkiga.
Shirka Garoowe
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ka deyriyay xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxa uuna sheegay in madaxda dalalka uu la kulmay ay walaac ka muujiyeen wadashaqeyn la’aanta ka dhex jirta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
“Runtii dowladaha aan la kulannay ruuxaddooda aad bay waxay walwal uga qabeen wadashaqeyn la’aanta muuqata ee ka dhex jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo dowladda federaalka ah taas oo mugdi galinaysa mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo meesha uu ku socdo,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday khilaafkii muddaba ka dhex jiray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxa uuna xusay in xitaa shirarkii joogtada ahaa ee ay madaxda labada dhinac yeelan jireen ay joogsadeen.
“Waxaannu ka wadahadalnay arrimaha Soomaaliya iyo cakirnaanta ka jirta laga soo bilaabo bishii sagaalaad ee 2018, markaas oo shirarkii joogtada ahaa ee u qabsoomi jiray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo baaqday, sidii waxa jira iyo aragtiyaha la kala qabo la iskugu soo dhaweyn lahaa, aragti cadna laga qaadan lahaa,” ayuu Deni yiri.”
Hadalka madaxweyne Siciid Deni ayey dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxa ay ku micneeyeen mid bannaanka soo dhigaya kala qoqobnaanta iyo kala ra’yi duwanaanta baahsan ee dhex taal madaxda Soomaaliya.
Haddaba su’aashu waxay tahay kulankan Garowe ma noqon doonaa mid mira-dhal ah mise madaxdani waa kuwo la isku khasbay oo aan diyaar u ahayn in ay wadahadlaan?
Dr Ibraahin Bursaliid waxa uu faaloodaa arrimaha siyaasadda, waxa uuna leeyahay waa suurtagal in lagu heshiiyo balse ay adag tahay in la saadaaliyo heshiis iyadoo ay jiraan arrimo badan oo xasaasi ah.
“Wuxuu ku soo hagaagayaa xilli aad xasaasi u ah oo marba marka ka dambeysa xukuumadda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay kala tagayaan. Waxay ku soo hagaageysaa ayadoo wali arrintii Baydhabo ay muuqato, Kismaayana si aad ah la isugu hayo. Waxay ku soo hagaagtay xilli maamulka Puntland uu ku goodinayo in wax badan aanay xukuumadda ku raaceyn haddii aanan la wadahadlin, arrinta ugu muhiimsan waxa weeyaan oo uu ku soo hagaagaya suurtagalnimada xukuumadda dhexe in ay saadaalineyso in doorashooyinkii qaran ay dib u dhacaan, ayna u marmarsiyooneyso in ay xilli korarsi sameysato laba sano iyo siyaado. Marka waa ay adag tahay in la saadaaliyo in shirkan uu heshiis la taaban karo oo macna leh uu ka soo baxo, iyadoo waxaasi oo arrimo ah ay taagan yihiin,” ayuu yiri Dr Bursaliid.
“Maamulka Garowe wuxuu sheegay in shirka uu yahay shir wadatashi oo la rajeynayo in looga wadahadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah. Waloow uu ku soo hagaagayo ayadoo arrimo dhawr ah oo xasaasi ah ay taagan yihiin, haddana aan wadahadalno waa aan heshiinno. Marka waa ay adag tahay in la yirahdo amaan la heshiin.”
Dr Bursaliid ayaa sheegay in “siyasaddii ahayd in lawada socdo oo la wada shaqeeyo ay dhinaca xukuumadda Muqdisho gabaabsi ka soo noqotay” basle ay xukuumaddu ku khasbanaatay in ay ka qeybgasho kulankaasi Gorowe oo si dadban loogu martiqaaday.
Waxa uu sheegay in qaab gadood ah oo maamul goboleedyada ka soo jeeda uu meesha yimid “ayna xukuumadda ku khasbanaatay in ay ka qeybgasho” shirkaasi ka dhacaya Garowe.
Soo dhaweynta Farmaajo
In kastoo madaxweyne Farmaajo laba jeer oo hore aad loogu doo dhaweeyay magaalada Garoowe, haddana waxaa haatan muuqanaya in xaaladdu ay ka duwan tahay sidii hore.
Garowe ayaa sawirrada Farmaajo lagu xardhay booqashadii ugu horreysay ee uu halkaa ku tahay 7-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2018, waxaana xilligaasi garoonka magaalda Garoowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha iyo waftidgiisa kumannaan shacab ah, kuwaasi oo wakhti badan ku sugayay waddooyinka iyo fagaaraha ay caanka ku tahay magaaladaasi.
Maantase, xaaladdu waa ay ka duwan tahay sidii horey looga bartay Garoowe. Gudaha magaalada kama muuqdaan sawirrada Farmaajo, mana muuqata astaan muujineysa soo dhaweyn la mid ah kuwii uu horaan kala kulmi jiray halkaasi, gaar ahaan shacab lulaya calamo oo taagan waddooyinka.
Waxa kaliya oo muuqanaya ayaa ah mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo uu hormuud ka yahay ra’iisalwasaare Kheyre iyo kuwa Puntland oo ku soo dhaweyn doono garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
Siyaasiinta mucaaradka
Magaalada Gawoore waxaa dhammaadkii bishii Janaayo ee sanadkan ku kulmay madaxda dowladda federaalka iyo inta badan siyaasiinta dhaliilsan siyaasadda dowladda. Siyaasiintaasi waxaa ka mid ahaa madaxda maamul goboleedyada, oo qaarkood loo arkayay in aysan isku fiicnayn dowladda dhexe.
Arrinta isu keentay ayaa ahayd caaleemasaarka madaxweynaha Puntland balse wixii xilligaasi ka dambeeyay ma jirin xiriir wanaagsan oo u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, waxana haatan dad badan ay ka dhursugayaan shirkan Garoowe.
8-dii bishii Janaayo ayaa Siciid Cabdullaahi Deni lagu doortay doorasho lagu tilmaamay mid caddaalad ah oo ka dhacday magaalada Garoowe ee saldhiga u ah maamulka Puntland.
Tan iyo markii uu xilkaasi ku guuleystay waxaa waji cusub yeeshay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo garab kasta uu u muuqdo inuu u xusul duubayo sidii uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa maamulka cusub ee la wareegay majaraha dowlad goboleedka Punland.
In kastoo aad loo soo dhaweeyay in madaxda Soomaalidu ay gudaha dalka ku wadahadlaan oo aysan waddamo shisheeye isla aadin, haddana dad badan ayaa waxa ay qabaan in ay habbooneyd in shirkani Garoowe lagu qabto magaalada Muqdisho oo ay gogashana dhigto dowladda dhexe ee ay hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisalwasare Xasan Cali Kheyre
halkan hoose ka daawo warkaas oo muuqaala.







