11 Qof Oo Somali Ah Oo lagu Dilay Gobol ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Ugu yaraan 11 qof oo Soomaali ah ayaa lagu laayay gobolka Siti, sida uu   xaqiijiyay Cabdullaahi Maxamed Mawliid oo ah wasiirka warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

 

“Malayshiyo Canfar ah oo hubaysan ayaa dadkaas laysay waxayna dhaawaceen ugu yaraan afar qof oo kale” ayuu intaas ku sii daray.

 

Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay billawday baaritaan ku aadan sababta dadkaas loo laalay.

 

Wali nooma suuragalin in aan masuuliyiinta Carnfarta helno si wax uga waydiinno dadkan Soomaalida ah ee la laayay.

Dareen xuduudo la xiriira ayaa mudooyinkii dambe ku sii xoogaysanayay deegannada Soomaalida ee xuduudda la leh gobolka Canfarta.

 

Arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo shalay la soo gabogabeeyay shir nabadeed oo la gu soo afjarayay colaadda Oromada iyo Soomaalida.

 

Boqollaal kun oo qof  oo collaadaas ka qaxay ayaana wali barakacayaal ku ah gudaha dalka Itoobiya.

 

“Xukuumadda deegaanka iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale aysan soo noqon” ayuu yidhi Cabdullaahi.

 

“Waxaa jira dhul la isku haysto si nidaamsan oo sharci ah ayaana lagu kala bixi,”

 

“Muhiimaddu ma aha in aan ciidammada Liyuu booliiska amarno oon dhahno saaka dagaal gala, balse muhiimaddu waa in aan nidaam dastuuri ah marno oo sharcigu sida uu ogol yahay aan dadka wax ugu qabanno”.

 

Haddii taas la waayo annaga ayay noo taallaa wayna caddaan doontaa ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Cabdullaahi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker