Madaxii dacwada Al Shabaab ee GEDO oo Muqdisho loo soo wareejinayo

Kismaayo (OWN)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu socdo qorshihii ugu dambeeyay oo magaalada Muqdisho loogu soo wareejinayo Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii madaxii dacwadda Al Shabaab ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo C/Wahaab Axmed Maxamed kaasi oo dhawaan isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo.

Isa soo dhiibitaanka C/Wahaab Axmed ayaa ka dambeeyay kadib markii cabsi ay soo wajahday, taasi oo ku aadan in dhibaato loo geysto, sida laga soo xigtay saraakiisha ku howlan baaritaankiisa.

C/Wahaab ayaa waxay saaxiibo ay ahaayeen Axmed Coobo oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda, waxaana taasi ay keentay in isaga shaki badan laga qaado.

 

 

Ku xigeenka madaxii Dacwadda Al Shabaab ee gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in gurigiisa ay tageen xubno Al Shabaab ka tirsan, iyaga oo ka qaatay agab kala duwan si ay baaritaano dheeri ah ugu sameeyaan.

C/Wahaab ayaa hadda ku xiran saldhiga ciidamada booliska ee degmada Garbahaareey, waxaana socda baaritaanka ay sameynayaan ciidamada amaanka ee gobolka Gedo.

Waxaa la filayaa in sarkaalkaasi loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho, oo horey loogu soo wareejiyay sarkaalkii ka horeeyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker