Dad ku eedeysan dilka Axmed Dowlo oo xukun lagu riday

Maxkamadda gobolka

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex qof oo lagu helay inay horey u dileen nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Dowlo, bishii Sebtember sannadkii hore.

Saddexdan qof ayaa kala ah laba rag ah iyo qof dumar ah, waxaana maxkamaddu sheegtay in xukunkaasi racfaan ka furan yahay, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa dhacay sannadkii hore kadib muran ka dhashay guur dhex maray wiil ehel la ah marxuumka la dilay iyo gabar ku ehel ah eedeysanaayasha.

Xilliga dilkaasi dhacay ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ay aad u cambaareeyeen dilka iyo caadooyinka lala xiriiriyo faquuqa guurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker