Xoghayihii Difaaca ee Dalka Srilanka Oo Iscasilay Kadib Markii Uu Ku Kashifmay Weeraradii Dalkaas

Xoghayihii Difaaca ee Dalka Srilanka Hemasiri Fernando ayaa isku iscasilay in Ciidammada amnigu ku fashilmeen inay ka hor-tagaan Weerarradii lagu hoobtay ee Dalka Srilanka ka dhacay Axaddii la soo dhaafay.

Saddex Kiniisadood iyo Saddex Huteel oo nooca lagu raaxaysto ah oo ku yaalla Dalka Srilanka ayaa Axaddii lala beegsaday Qaraxyo waaweyn, waxaana ku dhintay Dad ka badan 350 Qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 500 Qof.

Weerarradan Argagixiso oo lagu soo beegay Ciidda Kiristaanka ee loo yaqaano Easter oo Dalka Srilanka, ayaa khasaaraha ka dhashay awgeed waxa uu Madaxweynaha Dalkaasi u soo jeediyey Xoghayaha Difaaca iyo Taliyaha Booliska inay iscasilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker