Madaxweyne Trump Oo Sheegay Inuu Aqbalayo Baadhitaanka Laamaha Sirdoonka Dalkiisa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu aqbalayo xaqiiqada baadhitaanka laamaha sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, taas oo ah mid burinaysa hadalladii uu ka yidhi shirmadaxeedkii uu la yeeshay Vladimir Putin Isniintii.

Trump waxa uu dhaleecayn culus kala kulmay aqalka Congress-ka oo ku dhaliilay hadalkiisii ahaa in aanay u muuqan sabab caddayn karta in Moscow doorashooyinkaa farogelin karaysay. Laakiin hadalkiisan u dambeeyey ayaa waxa uu ku sheegay in uu doonayey in uu ku cadeeyo in hadalkaa uu hore u yidhi uu ula jeeday in aanay jirin sabab lagu malaysan karo in Ruushku faro gelin karayey doorashada.

Waxaanu ballan ku qaaday in uu ilaalin doono doorashooyinka dame ee dalka ka dhici doona, hase yeeshee waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhex mara dalkiisa iyo Ruushku ka fiicanyahay khilaaf iyo colaad ka dhex abuuranta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker