Guddiga doorashooyinka Somaliland Oo La Kulmeen Labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay la kulmeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, ayaga oo kulanka ay albaabadu u xirnaayeen, Saxaafaduna dibad joog ka aheyd, wararka ayaa sheegaya in looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho ay qeybgalaan labada xisbi.

 

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wada gaadheen labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye iyo sida labadaas xisbi oo kaliya ay doorasho ku gali karaan maadaama xisbiga Wadani uu qaadacay shirka ayagoona horay ugu baaqay in la kala diro guddiga doorashada.

 

Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid iyo Guddiga doorashooyinka ayaa ku balamay in kulan danbe dib laysugu yimaado, waxaana rajo xumo laga muujiyey qabsoomidda doorasho ay 3-da xisbi ku loolamaan.

 

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo ah xisbi ballaaran, taageero bandanna ku leh gudaha Somaliland ayaa sheegay inaysan jirin doorasho labada xisbi kaligood ay qaban karaan, waxa ayna wax lagu xumaado ku tilmaameen dhawaqa ka soo yeeray labada xisbi waa Kulmiye iyo Ucid oo maanta guddiga doorashada la qaatay kulan ku soo dhmaaday natiijo la’aan.

 

Khilaafka u dhaxeeyo Sedexda xisibi ayaa ah mid dhowaanahaan soo laablaabanayay shacabkuna waxa ay ka war sugayaan waxa uu noqonayo xalka .

Oodweynenews Main office
webmaster@Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker