Xubintii Lagu soo badalay Mid ka mida Xubnihii Golaha Guurtu usoo Xulay Doorahsooyinka oo isna laga yaabo in la diido . Qalinkii Suxufi Sinyoore

Hargeysa(OWN ) – Inkastoo waligeedba Xubnaha Gudida Doorashooyinka Ay soo xuli jireen Hay,adaha ku shaqada leh Hadana Maanta Waxaad Moodaa inay Somaliland Dib u Noqotay marka La Eego middi middi ku Taagta ka dhex socota Hay,adaha kala duwan ee Xaqqa u Leh inay Soo Xulaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaran ,

Hadaba Maxamuud Daahir Jaamac Oo lagu soo badelay Xubintii la celiyay ee ka mid ahayd Labadii Xubnood ee Golaha Guurtidu keenay ayaa iyadana waxa dul hoganaya Su’aalo badan oo u baahan si fiican in loo darso, taasi oo sababi karta inuu isna salaanka ka siibto ama dib loo soo celiyo marka loo eego sharciga Xulashada Xubnaha Komishanka iyo shuruudahooda.

 

Inta aynaan u guda galin arimahaasi, horta waa ayo Maxamed Daahir Jaamac?. Maxamuud Daahir Jaamac waxa uu kasoo jeeda Gobolka Sanaag Gaar ahaan Barigiisa. Waxa uu Maxamud ka mid ahaa Masuuliyiintii ka shaqaynayay Jidka Ceerigaabo ee Hay ‘adda Jidadka Somaliland ee Wasaaradda Jidadka “Somaliland Road Authority”.  Waxaa uu ku magacawnaa Maaamulihii mashruucaasi “Project Manager”. Waxa durba soo baxaya jawaabo iyo xogo ku saabsan sababtii Xilka Hay’addaasi  looga eryay. Xogoha laga helayo Hay’adda Wadooyinka ayaa sheegaya in Arimo Musuq maasuq oo aan qarsoonayn looga caydhiyay Hay’addaasi.

Xogahan ayaa sheegaya inuu masuulkani lacag illaa boqolaal kun oo dollar gaadhaysa uu ka dhex saaray mashruucaasi  mudooyinkii u damaysay. Dadka ka agdhaw ayaa sheegaya in lacagtaasi loogu talo galay inuu ku bixiyo dayn dad sheeganayeen balse uu si kale u maamushay taasi oo xogteeda laga heli karo Wasaaradda Horumarinta Jidadka Somaliland oo la sheegay inuu wasiirkan hadda joogaa uu dhacdadan qoraal ka sameeyay uu ku socod siiyay madaxda sare islamarkaana uu sidaasi Xilka uga qaaday.

Arimaha kale ee Masuulkan horyaala ayaa waxa ka  mid ah innaanu Cv-giisa aqooneed wanaagsanayn islarmarkaan dadka lasoo shaqeeyay ama ay meel kusoo wada koreen ay aad ula yaaban yihiin Cv-ga Golaha Guurtidu ku Xushay, taasina noqonayso caqabadaha ugu waa weyn ee horyaala ee ay Golaha Wakiiladdu shaqadooda ka gudan doonaan, islamarkaana ay taageerayaasha masuulkani aad uga wal walsan yihiin.

Dhinaca kale waxa iyaduna ah caqabad kale oo masuulkani aanu ka gudbi Karin ah inuu ka mid ah Masuuliyiinta heer Qaran iyo Heer Gobol ee Ceerigaabo aadka uga soo ololayay Xisbiga Kulmiye, waxaanay arintani si toos ah uga hor imanaysaa Qodobka 12-Aad ee xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya Shuruudaha lagu soo xulanayo Xubnaha ka midka noqonaya, gaar ahaan farqadiisa 5-aad, oo Xubnahan ka madax bannaynaya siyaasad iyo Xisbiba. Inta badan Xubnaha hadda loo xulay Komishanka Doorashooyinka Cusub ayaa waxa intooda badan laga shaki qabaa in lasoo celiyo marka loo eego mid waliba iinta uu leeyahay ee ka hor imanaysa Shuruudaha Xeerku dhigayo ee lagu xulanayo Xubnahan.

Qalinkii Suxufi SInyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker