Ciidamadda Booliska Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wararka magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Ciidamadda Booliska   ay  caawa Xabsiga U Taxaabeen Suxufi, Samafale  Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo fadhigiisu yahay Burco .

 

Cabdimaalik Muuse oo in muddo ah ku sugnaa Magaaladda Burco, ka dib markii uu ka soo kicitimay Magaaladda Jigjiga oo uu ku noolaa ayay ku dabo jireen ciidamadda Boolisku, ka dib markii amar lagu siiyay in ay soo qabtaan.

in kasta oo aanay xukuumaddu weli si dhab ah u faahfaahinin ujeedada xadhiga   Cabdimaalik, dad ku dhawdhaw Wariyaha ayaa sheegay in ay ka damqatay xukuumaddu warar uu baahiyay.

 

Maaha Markii ugu horeysay ee ay Xukuumadda Somaliland xidho   Cabdimaalik Muuse Coldoon, haseyeeshee sanadkii hore ayaa sidaas oo kale xabsiga dhawr jeer loogu taxaabay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi Maalik Muuse Coldoon

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker