“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii Berbera la ballaadhinayo” Madaxweyne Muuse Biixi
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa sharraxay horumarka is xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.




