Banaanbax Weyn Oo Ka Dhacay Muqdisho kadib Markii Booliiska Dowladda Soomaaliya Ay Dileen 2 Dhalinyaro

Banaanbaxyada ka socda magaalada Muqdisho, ayaa sii xoogaystay waxaana ay ku sii fideen wadooyin hor leh oo ka tirsan Gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ku banaanbaxayaan dhalinyaro badan oo ka careysan dil loo gaystay laba qof  oo mid ka mid ah uu waday Mooto Bajaaj.

Banaanbaxa ayaa hadda ku fiday wadada Maka Al-Mukarama oo wuxuu ka bilowday Banaanbaxa Isgoyska Dabka, halkaasi oo dhalinyarada Bajaajta taayaro ay ku gubayeen.

 

Dhalinyarada Banaanbaxa dhigaayay, ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Ciidamada Booliska, kuwaasi oo ay kaga cabanayaan dilalka joogtada ah ee shacabka u gaystaan.

 

Askarigii labada ruux ku dilay Isgoyska Hawlwadaag, ayaa ka baxsaday goobta, waxaana jirta in Ciidamada dowladda ay baadigoobayaan askarigaasi.

 

Wadada wadnaha & wadada Maka Al-Mukarama ayeey hadda ka socdaan Banaanbaxyada dadka shacabka ah ay dhigayaan ee ay kaga soo horjeedaan dilalka dhalinyarada Mooto Bajaajta loogu gaysto Muqdisho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker