XISBIGA WADDANI DEGDEG HAW IIBIYO GAADHIGII GUDOOMIYE CIRO EE XUKUMADU SOO CELISAY!!! SABABTOO AH HALIS…
ASSALAAMU CLAYKUM BULSHADA REER SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA.
Waxaan ahay muwaadin u dhabar adayga, u samra ged-gedoonka siyaasada, isla markaana ku adag aragtidiisa uu ku cabirayo kolba waxa ka jira dalka, anigoo waliba caddaynaya inaan Xisbigii UDUB dabadeed aanan galin sadexdan xisbi ee isku soo hadhay midna.
Caawa waxaan jeclay inaan wax ka idhaa, qarannimadii Somaliland-ta oo sii liin baxaysa!
Siday usii liinbaxaysaa weeye su’aashu? Jawaabta su’aashani waa su’aal kale oo ah: Ma ogtay akhristaha sharafta lehoow/leheey inaanay waligeed Somaliland ka dhicin, in madaxdu gaadiidka ay wadato aan loo gacan dhaafin maanta ka hor?
Hadaba, markaad muwaadin ka fikirto dhacdadan oo ku habsatay Gaadhiga Gudoomiyaha Wadani oo sida ay warbaahintu sheegtay Wiish lagu qaaday, in looga gol lahaa ujeedo fog. Haba dhacdee waxaan lasii yaabay, XUKUMADII OO SOO CELISAY GAADHIGII GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANAI – CRAXMAN CIRO!!!!
Anigu intaan ka aqaan marmarsiiyaha iyo ulajeedooyinka Tabaha siyaasadeed, ee laysku hujuumo, waxaan kula talin lahaa nimanka ama masuuliyiinta Xisbiga Wadani inay INAY IIBIYAAN GAADHIGAAS SHAASHOOBAY! Waxaanana ku salaynayaa labadan sababood ee hoos ku xusan:
- Gaadhiga muraadbaa loo lahaa Ayaan aaminsanay. Muraadkaasina mid technical ah weeye. Cod-duube ayaa lagusoo rakibi karaa, ama Aaladkale oo halis ku ahAmniga Gudoomiyaha iyo karaamada xisbiga labadaba. Qodobkan kale ee
- Sharafba waanay ahayn in gaadhigii Wiishka lagu qaaday ninkii madaxda ahaa uu dib u isticmaalo, isla markaana ay tilmaan caan ah noqoto, dadkuna yidhaahaan: WAA GAADHIGII WIISHKA DAWLADU DALACAY KAN UU GUDOOMIYAHA WADANI WATAA!
GUNAANADKAYGU WUXUU YAHAY: MASUULIYIINTA SARE, OO UU KU JIRO HOGAANKA SARE EE XISBIGA WADANI WAA INAY TOOS U IIBIYAAN GAADHIGAN, MAANTA ADUUNKII DHANKA TECHNOLOGY-GA MEEL XAASAASIYA AYUU MARAYAA. WAA IGA TALO AMA WAA IGA EREY DHAANWADE!
SANWAA CUMAR YARE
Freelance Political Commentator
Email Address: politicianbynature@outlook.com




