Dowladda Canada oo shaacisay in Labo Muwaadiniinteeda ah lagu Xidhay Gudaha Somaliland

Hargeysa (OWN) –Dowladda Canada ayaa sheegtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda lagu xidhay meel ka tirsan dalka Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Canada oo war saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in 2 ka mida muwaadiniinteed lagu Xidhay Gudaha Somaliland.

Qunsuliyadda Canada ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in ay la xiriirtay Maamulka Soomaalida ee arrintan xiriirka la leh.

Dhinaca kale, Jason Jeremiyas oo ah U-dhaqaaqe Xuquuqda Rayidka ee Hay’adda “Callled Price of Silence” oo markii ugu horreysay la xidhiidhay Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Kanada waxa uu magacyadda Haweenkaas ku xidhan Hargeysa ku kala sheegay Maymuum Cabdi iyo Kariima Wattis Cumar.

Wargeyska The Globe and Mail waxa u uqoray inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin magacyadda haweenkaasi ku xiran Hargeysa.

Canada weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida loo xiray haweenkaan, Sababta Keentay iyo shaqada ay ka qaban jireen Somaliland

Haweenkaan ayaa waxaa lagu xidhay sida ay Qunsuliyadda Canada ee Nairobi sheegtay Saldhigga Booliska Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Waqtiga la xidhay haweenkaan ayey safaaradda sheegtay inay aheyd Bishii January isla markaasna ay weli ku xidhan yihiin xabsigaas.

Sida la ogaaday Labadaan Haween ayaa waxaa lala xidhay qof seddexaad oo heysta Dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaanay weli ku  jiraan Xabsiga Hargeysa.

Xigasho Caasimadda online

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker