Nin Ku Hanjabay Inuu Dili Doono Ilhaan Cumar Oo La Soo Maxkamadeeyey
Nin lagu magacaabo Patrick Carlineo Junior, kuna nool Galbedka magaalladda New York ayaa la soo taagay Maxkamadda, oo ku goodiyey inuu dili doono Xildhibaanad IIlhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska dalkaasi.
Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in Eedeysanahaasi la xiray, kadib, markii uu bishii hore Telefoon cabsi-gelin u diray Xafiiska Ilhaan Cumar ku leedahay magaalladda Washington.
Qoraal ay Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-da waxay ku sheegeen inuu Eedeysanaha iyada ugu yeedhay “Argagixiso” iyo inuu ku cabsi geliyey inuu toogan doono.




